Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani Oo Ka Hadlay Muhiimada Nabadgalyada

47
3389

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Maxamed Suldan Xirsi-qani Cabdilaahi, oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay nabada iyo qiimaha ay leedahay, waxaanu ka digay colaada, isagoo ku taliyey in laga feejignaado xaalad kasta   oo colaada iyo nabadgalyo daro abuuri kara.

Suldaan Maxamed Suldan Xirsi-qani Cabdilaahi, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka dalka ka taagan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay nabada “Nabadu waa qaali, Nabadu cid walba waa u dan, cid dan gaar ah ku qabta ma jirto, haddii aanay Nabadi jirin, wax haba yaraate hagaagayaa ma jirto, haddii aanay Nabadi jirin dhib iyo dib u dhac mooye, haba yaraate wax horumar ah oo jirayaa ma jirto, ee aynu wada ilaashano nabadgalyada iyo tacabka aynu u soo galnay, colaaduna dhib, cadaawad iyo khasaare mooye, haba yaraate wax faa’iido ah oo ay leedahay ma jirto, ee nabadgalyadaas aynu maanta ku naaloonayno aynu wada ilaashano, oo qof kasta xil baa ka saaran nabada iyo xasiloonida ee halkiisa ha ka ilaaliyo, waxa kasta oo dhacay iyo dhib kasta oo dhacday qadar ALLE ayey ku dhaceen, wuxuu ALLE qorayna cid baajin kartaa ma jirto, balse muhiimada ayaa ah inaynu iska kaashano sidii aynu nabada u xoojin lahayn, wax kasta oo dhib iyo xasilooni daro keenayana aynu uga hortagi lahayn, kana feejignaan  lahayn inay dhacaan”.

Suldaan Maxamed Suldan Xirsi-qani Cabdilaahi, mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararku dhib iyo culays weyn buu umaddii ku hayaa, oo dadkii masaakiinta ahaa, si xun buu u saameeyey,ee Xukuumadda ayaa masuuliyadda kowaad ee wax ka qabashada sicir bararka leh ee waa inay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabata, xalka ugu deg dega badana ka gaadha, ta kale Ganacastadu waa inay dadkooda u naxariistaan oo maceeshada u jabiyaan, halka Shacabkana looga baahan yahay inay shilinkooda iyo lacagtooda isticmalaan, halka ay ka isticmalaan lacago qalaad, oo aanay lahayn”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here