Dab Iyo Cadho

0
3187

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 18aad)

Waxa uu u sheegay in uu ku beerlaxawsan doono ereyo ay ka mid yihiin, ‘Dadka oo dhan ayaa sheegay in aad qof muhiim ah tahay, labadeennu waxa aynu wada abuuraynaa xidhiidh wada shaqayneed oo heersare ah, wax kasta oo aad doonayso waad iga helaysaa, ila soo hadal uun, waa aynu dhammaynaynaa ee!’.

Thiel waxaa lagula taliyey in aanay ereyadaasi dagin oo aanu dhab u qaadan hadallada iyo saaxiibtinimada Trump sheegayo. Laakiin Thei, oo khudbad uu ku taageerayo Trump ka jeediyey shirweynihii xisbiga Jamhuuriga, ayaa markii dambe ku soo warceliyey, in digniinihii hore loo siiyey uu iska dhego mariyey isaga oo filayey in Trump uu daacad ahaa, markii uu u ballanqaadayey in ay saaxiibtinimo waartaa dhex mari doonto, laakiin ay dhacday in aanu dib hadal uga maqlin, xitaa in uu taleefannadiisa ka jawaabi waayey.

In kasta oo madaxnimadu ay iska leedahay marmarsiinyo ah dhinaca kala tagga bulshada. (Oo qofku marka uu ka dallaco bulshadii uu ka midka ahaa loo raadiyo cudurdaarro). Dhinacayada kale ee dabeecadaha Trump ayaa iyaguna dhibaato ahaa.

Xirfadlayaasha imika sida qorshuhu yahay ku biiraan maamulka Trumo, intooda badan waxaa ka hor imanaysay xaqiiqada ah in Trump aanu waxba garanayn. Ma’ uu jirin hal mawduuc oo uu fahmayaa, malaha marka laga reebo dhismaha guryaha, oo uu si buuxda u fahamsanaa. Wax kastaa waxa ay ku ahaayeen wax aanu u diyaarsanayn. Wax kasta oo uu wax ka yaqaannayna, waxa aad moodaysay in uu saacad uun ka hor bartay – inta badan waxa ay ahayd wax aan bislayn. Laakiin qof kasta oo kooxda cusub ee Trump ka mid ahi waxa  ay ahayd in uu qancinayo isaga [Trump] ama iyadaba – waayo, waxa ay ogaayeen in ninkan loo doortay madaxweyne, sidaa awgeed ay jiraan wax uun lagu doortay [Aqoon / waayoaragnimo].

Laakiin, qof kasta oo ka mid ah bulshadii maalqabeenka ahayd ee uu ku dhex jiray, waa uu ogaa jaahilnimadiisa aadka u baaxadda weyn – Trump-kaas ganacsadaha ahi, xitaa ma’ akhriyi karo xaashida isu-dheellitirka xisaabeed ee ganacsigiisa (Balance sheet), Trump oo ku ol’oleeyey in uu ku xeeldheer yahay dhammaynta heshiisyada ganacsi iyo siyaasadeed, ayaa haddana, maadaama oo uu ahaa nin aan dhegeysan warka faahfaahintiisa, waxa uu dhibaato ku qabay gorgortanka – waxaas oo dhan oo jira, haddana waxa uun ay u arkayeen in ay dhalan ka tahay [Dabeecad]. Waana sida uu doonayey in loo arko. Waxa uu dadka isu tusayey in uu yahay shakhsiyad garaad badan, waana uu awooday in uu taas daka ka dhaadhacsado. “Trump ma qof fiican baa, ma qof garaad badanbaa, ma qof karti badanbaa?” Waxa aan su’aalahaas weydiiyey Sam Nunberg, oo muddo dheer ahaa gacanyaraha siyaasadda ee Trump. “Xitaa taas anigu ma’ ogi. Waxa se aan ogahay in uu xiddig yahay.” Ayaa uu iigu jawaabay.

Piers Morgan [Ninka hadalladan ku yidhi qoraaga buuggan Michael Wolf], waxa uu ahaa nin ka soo shaqayn jiray wargeysyada ingriiska iyo wartebiye nuxuus ahaa oo ka tirsanaan jiray CNN, waxa uu mar ku soo baxay barnamaijkii Trump sii deyn jiray ee ‘Apprentice’ tan iyo markaasna waxa uu daacad u ahaa saaxiibtinimadiisa.) isaga oo mar isku dayayey in uu ii sharraxo, wanaagyada Trump iyo awooddiisa dad kasbashada, ayaa uu Piers Morgan yidhi, “Waxaas oo dhan warkoodu waxa uu ku jiraa buugga uu Trump qoray ee ‘The Art of the Deal’ waxaa ku jira wax kasta oo ku saabsan sababta uu Trump magaca ku helay. Buuggaas ayaa sharraxaya garaadkiisa, tamarta ku jirta, iyo kartidiisa maamul, waxaas oo dhamiba buuggaas ayaa ay ku jiraan. Haddii aad doonayso in aad Trump barato, keliya buuggaas uun akhri.” Ayaa uu igu yidhi.

Laakiin Trump ma’ uu qorin buugga ‘The Art of Deal’. Ninka kula qoran in ay wada qoreen, ee Tony Schwartz, ayaa ssheegay in ay dhif ahaydba in ay dhif tahay waxa uu Trump buuggaas ku darsaday, weliba  Tony Schwartz waxa uu sheegay in uu filayo in aanu Trump xitaa buugga laftiisaba wada akhriyin. Waana midhka aan anigu aaminsanahay  in uu dhab yahay. Trump qoraa ma’ uu ahayn, ee waxa uu ahaa shakhsiyadda (Jilaaga) buugga – waxa uu ahaa jilaaga koowaad iyo halyeeyga buugga qisadiisu ku soo ururayso.

Trump oo ahaa nin taageera aadna uga hela ciyaarta musaaracada, markii dambana noqday shakhsiyad caan ka dhex ah maadayska musaaracada oo uu aad u taageeri jiray. (Laguna maamuusay hoolka dadka caanka ah ee ciyaarta adduunka ee musaaracada oo magaceeda loo soo gaabiyo WWE) waxa uu ahaa qof sida cimlaaqa malo-awaal kaga noolaa waaqaca runta ah, taas oo ay saaxiibbadii ku qosli jireen, laakiin dadka badankoodu ka cadhoon jireen.

Waxa ay Trump saaxiibbadii ku qosli jireen, inta badan ee dadka kale ee  imika hawlaha qaranka kala shaqeeyaana ka cadhoodaan waxa uu ahaa, Trump oo mar kasta oo uu naftiisa ka hadlayo, u hadli jiray sida in uu ka sheekaynayo qof kale oo aan isagiisa hadlaya ahayn. Tusaale ahaan waxa uu odhan jiray, ‘Trump ayaa sidaas sameeyey’ isaga oo naftiisa u jeeda. Nin Trump taageersan ayaa sidaa yeelay. Waa shakhsiyad aad u awood badan [Isaga ayaa is sheegaya], door aad u awood badan ayaa uu qaatay, waxa uu u ekaa in uu ka dhego adaygay, ma’ awoodo, aynu ugu deyno madaxweynaha ama madaxtooyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here