Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Jarmalka Oo Lagu Dhalleeceeyey Shaah Uu U Shubay Dhiggiisa Turkiga

39
3241

Berlin (Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Green Party ee dalka Jarmalka Jiim Osdamir ayaa si weyn u dhalleeceeyey, wasiirka arrimahadibadda ee dalkiisa, Sigmar Jabra’il oo koob shaah ah gacantiisa ugu shubay dhiiggiisa dalka Turkiga Mawluud Jaawish Oglo oo ku soo booqday gurigiisa magaalada Goslar ee gobalka Soxony-ga hoose.

Hoggaamiyaha xisbiga Green Party oo qudhiisa asalkiisa hore ka soo jeedo dalka Turkiga, ayaa waraysi uu siiyey Kanaalka koowaad ee talefishanka dalka Jarmalka ee IRD, waxa uu isniintii ku sheegay, in aanay isaga ka suurtagasheen in isaga oo dalka Jarmalka metelaya uu shaah u shubo wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka oo uu weliba ogolaado in sawir laga qaado.

Warbaahinta ayaa sii deysay sawirrada kulanka labadan masuul oo ay qaarkood muujinayaan wasiir Jarmalka ah oo inta uu istaagay shaah ku shubay koob saarnaa miis horyaalla wasiirka Turkiga ah oo isagu fadhiya. Sawirkan ayaa si ballaadhan ugu faafay warbaahinta bulshada ee labada dal, gaar ahaan twitter ka.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa sheegay in hoggaamiyaha xisbiga Green Party oo falkan faallaynayaa uu ku dooday in sawirkani uu bixinayo macne ah in Jarmalku uu u adeego Turkiga oo illaa hadda xabsi ku haya toddoba muwaadiniin Jarmala ah oo lagu xidhay Turkiga kaddib markii lagu eedeeyey in ay xidhiidh la leeyihiin ururro mamnuuc ka ah dalka.

Guddoomiye Jiim Osdamir waa siyaasi caan ka ah dalka Jarmalka, dhowaanna mar la hadal hayey in uu noqon doono wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas, laakiin ay fashilantay kadib markii ay xisbigiisa iyo xisbiga raysalwasaare Angela Merkel isku fahmi waayeen xukuumad isbahaysi ah oo ay dhisan lahaayeen.

Dalalka Turkiga iyo Jarmalka oo ku wada jira Isbahaysiga NATO xidhiidh dheer oo siyaasadeedna ka dhexeeyo ayaa muddooyinkii u dambeeyey uu xidhiidhkoodu cakirnaa, gaar ahaan markii ay isku mari waayeen qodobbo ay ka mid yihiin siyaasadda arrimaha gudaha ee dalka Turkiga, maamulka qaxoontiga ka soo gudbaya Turkiga ee Yurub tegeya iyo arrimo kale, sida oo kalana uu Turkigu u arkay in Jarmalku aanu waxba ka qabanayn dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah oo ay wadaan dad Jarmal asalkoodu Turki ka soo jeeda ah.

Aalaaba dhaqdhaqaaqa jidheed, qaabka hadalka, iyo fal kasta oo dhaca xilliga ay diblumaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha sare kulmayaan ayaa leh macno iyo qiimayn gaar ah, inta badanna ay warbaahintu si gaar ah u faallaysaa, gaar ahaan marka labada dal xaaladdooda xidhiidh aanay xasiloonayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here