Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Qiray In Saami 5% Ka Yar Ay Gobolada Darafyadu Ka Heleen Tirada Agaasimayaasha Iyo Isu-Duwayaasha

0
708

Picture5Hargeysa(Geeska):-Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa qiray in aan khayraadka, saami qaybsiga jagooyinka siyaasiga ah iyo shaqooyinka dalka aanay si siman ugu qayb sanayn bulshada Somaliland, isla mar ahaantaana lagu kala badan yahay. Waxaana uu carabka ku dhuftay in agaasimeyaasha dawlada iyo isu-duwayaasha wasaaradaha ee gobalada dalka ay ku yar yihiin dadka ka soo jeeda gobalada galbeedka iyo bariga Somaliland.

Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey barnaamij ka baxa talefeeshanka Universal oo uu daa’dihiyo wariye Faysal Fadh-fadh, waxaana uu ugu horeyn yidhi:

“Arrintaas iyada ah waxaan isleeyahay kuma khaldana qof kasta oo yidhaahda Khayraadkii dalku ma qaybsana, annigoo wasiir ahna waan leeyahay maanta waan leeyahay, horena waan u idhi. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inay dalka ka shaqeeyaan ilaa 14 Kun oo shaqaale ah. Waxa laga yaabaa in saddexda gobol ee bari iyo galbeed ugu xiga Somaliland(Awdal, Sool iyo Sanaag), in aan shaqaalahoodu gaadhin kun iyo shan boqol oo shaqaale ah.”.Ayuu yidhi wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sababeeyey yaraanshiyaha xaga shaqaalaha dawlada ee ay ku yar yihiin dadka ka soo jeeda gobalada galbeedka iyo bariga Somaliland, waxaana uu yidhi:

 “Haddii maanta la yidhaa kun qof oo shaqaale ah baa la kordhiyay, imtixaankii Hargeysa ayaa lagu qaadayaa, intee baa intay Laascaanood ama Ceerigaabo intay ka yimaadaan halkan(Hargeysa) soo gaadhi kara oo imtixaan ku gali kara, waa laga yaabaa qolada reer Boorama inay uga dhaw dahaye, ama Saylac intay ka timaado halkan Imtixaan ku gali karta.”.

Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxaa uu ugu danbayntii ugu baaqay bulshada Somaliland in arrintan laga yeesho siyaasad cad oo lagu salaynaayo sidii gobalada bariga iyo galbeedka saami toos ah looga siin lahaa qaabka qaadashada shaqaalaha dawlada.

“Waxaa haboon in siyaasad cad laga yeesho arrintaasi oo bal ugu yaraan boqolkiiba konton halkan(Hargeysa) halaga dhigee inta kale Gobolada kale la gaadhsiiyo, xagga xilalka laftigeeda marka laga hadlayo, waxaa laga yaabaa wasaaraddaheena 26-ka ah agaasimeyaashooda waaxyaha iyo isku duweyaasha marka la isku geeyo waxaa laga yaabaa in aanay gobolada darafyadu boqolkiiba shan ka noqon, markaa runtii tabashadu way jirtaa.”.Ayuu yidhi wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed.