W. Warshadaha Oo Ka Hadlay Xaddiga Iskaraabka Laga Iibiyey Warshadda Sibidhka

0
633

Picture3Hargeysa (Geeska):- Wasiirka wasaarada warshadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse oo wargeyska Geeska Afrika uga waramay wararka sheegaya in la fadhataystay Iskaraabka washaddii sibidhka ee Berbera, ayaa sheegay in 900 Ton oo iskaraab ah laga iibiyey shirkad gaar ah, wixii intaas ka baxsanina ay yihiin sharci darro, cidii ay ku caddaatana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

"Arrinta warshada waxaa la ii sheegay in la iibiyey oo dee gudi qandaraas oo u xil saaran ayaa jirta, oo gudida qandaraasku ay baahiyeen iyaga oo shuruucda qandaraaska iyo wax iibka raacaya, waxay sameeyeen xayeysiin(Tender), markaa 900-Ton oo iskaraab ah ayaa laga iibiyey qolo shirkad ah, wakiilku waxaa uu noo sheegay in 430 in ay qaateen 9kii boqol ee sifada sharciga ah lagu iibiyey, markaa intaas la iibiyey in ay 430 qaateen inta kalena ay u hadhsan tahay ayaa aan warbixinta ku helay anigu, sidaas darteed suuro galna maaha, mana dhici karto, in waxaa gudida qandaraasku ay ogyihiin wax ka baxsan ay meesha soo galaan, markaa annagu cid kale ma ogin haddii ay jirtana talaabo sharciya ayaanu ka qaadi doona, waxa weeyaan waxa la isku ogaa waxa weeyaan waa 900 ee Ton, haddii ay dhacdo ama ay jirto in waxaa wax ka baxsan ay meesha galeen talaabo sharciya ayaa laga qaadi doona haddii Illaahay yidhaahdo.".Ayuu yidhi Shucayb Maxamed Muuse

Md.Shucayb Maxamed Muuse oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa ka hadlay, wasaarad ahaan waxa uga qorshaysan ilaalinta iyo Iskaraabka warshada sibidhka ee magaalada Barbera, waxaana uu sheegay in cidii wax aan sharci ahayn ka qaada la marin doono talaabo sharciga waafqsan, isaga oo sida oo kalena tibaaxay in iska-raabka la iibiyey uu ahaa oo qudha ka dibada hore ee warshada yaala balse aanu ahayn kuwa gudaha hore ee warshada isla mar ahaantaana cidii lagu qabto sharciga la marin doono.

"Annaga ka wasaarad ahaan waxa nooga qorshaysan waxa weeyaan in aan warshadaas gudaha loo galin oo ay madnuuc tahay in gudaha loo galaa, iskaraabka laga wada hadalayo ee ay shirkada laga iibiyeyna ay yihiin kuwa dibada yaala, laakiin ay xaaraan tahay ama madmuuc tahay in warshada gudaheeda lagalo, qoraalna runtii shalay waanu ka samaynay oo arrintaasi in aanay dhicin karin oo haddii ay dhacdana oo la soo helo oo arrinkaa ay baadhistu soo cadayso talaabo sharciya ayaa la marin doona, laakiin mas'uuliyadu dee kolayba qof kasta waa ay saaran tahay haday dhacdo waxaa wax ka baxsan in ay meesha soo galaana, dee waxaa loo gudbinayaa sidii talaabo sharciya looga qaadi lahaa dibna waanu ka sheegi doona waxii aanu ka wasaarad ahaan ka ogaano, laakiin kolayba qaranka wasaarada ayaa warshadaha uga wakiil ah, ogalaana mayno in cid sharci darro u soo marta ama u soo fara galisa si aan sharciga waa faqsanayn.".Ayuu yidhi Shucayb Maxamed Muuse.

Dhinaca kalana Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Xaamud Cabdillaahi Xuseen oo arrintan uga waramay Hadhwanaag news ayaa sheegay in ay xidheen dad warshadda sibidhka ay ka guranaayey Iskaraab, waxaanu yidhi, “Wey jirtay mar la gurtay oo aanu tagnay oo aanu xayirnay, arintaasna waanu joojinay”

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay in dadkan Iskaraabka guranayey aanay ahayn kuwii ay dawladdu ka iibisay, qayb ka mid ah, “Ma’aha dadkii Iskaarabka la siiyey ee Dawladdu siisay, waa dad cusub oo Tuugo ah, markaas waanu joojinay,waanuna ku daba jirnay cidii hore u guratay, saakana (Shalay), waxa aan la kulmay Gaadhi cusub iyo Dad cusub oo ku jira, markaas waxa aanu sameeynay waanu xidhnay, Ninkii Gaadhi waday ee masuulka ahaa bahalaha iibsaday, oo Ninkii hore ahaa, Gaadhigiina waxa aan u dhiibay Ciidanka Askarta, laba Askari ayaan idhi soo kaxeeya, oo nasiibwanaag Taliyihii qeybta ayaa ila jooga, ayaa wixii warbixin ah idinku karin doona Gaadhigiina uu xidhan yahay.

Dawladdu waxay diyaar u tahay inay ilaaliso danta Dalka iyo danta Dadka, wixii sharci daro ahna ma ogolin waxna waanu ka qaban doonaa, waana xidh-xidhi doona kuwii kale ee ay gashana”.

Taliyaha booliiska ee qaybta Gobolka Saaxil, Cabdi Cali oo isna isla waraysigan kaga hadlay iskaarabkan laga gurtay Warshada sibidhka ee Berbera, ayaa sheegay inay Warqad amar ah oo ku saabsan sii daynta dadka la qabtay iyo Iskaraabkaba ay uga timid Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, waxaanu yidhi isaga oo arintan ka hadlaya, “Muddo dhexe oo Guddoomiyaha Gobolku ku maqnaa hawl Hargeysa ah, ayaa waxa dhacday in aniga iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka, aanu tagnay warshada, halkaas oo aanu ku soo aragnay Iskaraab goglan, waxa aanu isla garanay in halkaasi aanay ahayn halkii la siiyey dadka Iskaarabka gurta, ee ay tahay xadgudub, annagu waanu soo joojinay si loo hubiyo cida arintaas ka masuulka ah, arintu iyada oo ay halkaas noo taagan tahay, kollay waxa aanu awaamirta ka qaadana Gobolka, in aanu Gobolka la shaqaynana waa nagu waajib, qoraallada ay noo soo qoraan in aanu fulinnaana waa waajib, hasa yeeshe arintani arin dhex ka soo baxday ayaa ay ahayd, Xalay (Habeen hore), ayaa Warqad la ii keenay, Warqaadana Guddoomiyaha Gobolka ayaa noo soo gudbiyey, oo leh Nin Cabdi Case la yidhaahdo ha loo sii daayo Iskaraabkiisa halkaas ka daadsan”. 

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta keentay isdhaafka masuuliyiinta gobolka dhexdooda ah ee la xidhiidha warshadda oo sida muuqata Guddoomiye ku xigeenka iyo guddoomiyuhu aanay ka wada socon, ama isla ogeyn cidda la siinayo, sidoo kale taliyaha bilayska aan si rasmi ah loo ogeysiin inta ay tahay in uu u ogolaado haddiiba cid la siiyey.