Wasiir Xirsi Oo Shalay Hortagay Guddiga Joogtada Iyo Faro-saarkii Xasan Cawaale Oo La Waydiyay

0
460

Picture1Hrgeysa(Geeska)-Guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa shalay xog waraysi la yeeshay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, iyagoo ka waraystay isku dhac bilhii la soo dhaafay dhex maray Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo wakiillada ka tirsan iyo taliyaha Ilaalada Madaxtooyada.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo guddoomiye u ah guddida ayaa ujeedka kulanka sharaxay “ Waxaanu wasiirka ugu yeedhnay si aanu wax uga waydiinno xildhibaan golaha ka tirsan oo askarta Madaxtooyadu wax soo gaadhsiiyeen ama gacan saareen, taas oo meel ka dhac ku ahayd maamuuskii iyo sharaftii mudanaha. Markaa inuu wasiirku siday wax u dhaceen faahfaahiyo ayaanu ugu yeedhnay” ayuu yidhi Xildhibaanka, waxaanu intaasi raaciyay in warbixinta wasiirka ay ku soo bandhigi doonaan fadhiga golaha.

Wasiir Xirsi oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in arrinta mudanuhu ahayd riixid taliyaha ilaalada Madaxtooyadu ku sameeyay balse aanay dhacdada sidii loo buunbuuniyay ahayn “Waxaan runtii idiin sheegayaa inaanay dhacdadu sidii loo sheegayay  ee loo buunbuuniyay ahayn, oo aanay jirin xildhibaan la garaacay oo dhulka lala dhacay oo nabarraan la gaadhsiiyay laakiin, xildhibaanka iyo taliyuhu markay is maandhaafeen la daafadeeyay Xildhibaanka oo sidaas loo riixay, kadibna waxyeelo kasta ha lahaato ee annagoon marnaba soo dhawaynayn in Askartu taabtaan madaxda qaranka haddana dhacdadu daafadayntaas ayay ku koobnay” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay inay hayaan baadhitaankii caafimaad ee xildhibaanku maray oo laba dhakhtar ahaa, sidoo kalena ay hayaan Kamaradda ammaanka ee qarsoon oo duubtay dhacdadan islamarkaana muujinaysa kaliya riixista mudanaha.

“Waxaanu mar walba barbar taagganahay in madaxda qaranku leeyihiin maamuus oo ilaashan yihiin, iyagana waxaanu leenahay sidii ninkii Soomaaliyeed ee yidhi “ Soddohdu maxay ka doontay halka Gacanta Ninka Gabadheeda qabaa gaadhayso”, waxaanu leenahay meelaha qaarkood ha gaadhina oo Askarta ha is dhex galina, oo askarta iyo idinku kala sooc naada oo ha isku qasmina. Askarta waxaanu leenahay sharafta iyo karaammada xildhibaannada ilaaliya” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo markii dhacdadani dhacday in muddo ah dhakhtarka jiifay ayaa wakhtigaasi sheegay in wadnaha jugi ka gaadhay kadib markii taliyaha ilaalada madaxtooyada iyo askartiisu gacanta saareen.