Maxkamadda Sare Oo Shalay La Kulantay Xisbiyada

0
473

Picture2Hargeysa(Geeska)-Masuuliyiinta Maxkamadda sare ee Somaliland  ayaa Shalay si wada jira ah kulan ula yeeshay Guddoomiyayaasha Saddexda Xisbi Qaran, waxaana uu kulankani salka ku hayay inay Maxkamadda sare madaxda xisbiyada ka dhagaysto doodda sharci ee ay ku difaacayaan heshiiskii ay wada galeen, ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo maxkamadda u gudbiyay inay tafsiir sharci ku samayso midka sharci noqonaya muddo kordhinta guurida iyo heshiiskaas.

Kulankan dhexmaray Madaxda Axsaabta iyo Masuuliyiinta Maxkamadda sare, ayaa waxa afka Saddexda Xisbi ku hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, waxaanu ka waramay kulankani waxa uu ku saabsan yahay, waxaanu sheegay inuu Maxkamadda ka rajanayo natiijo lagu wada qano, raalina laga wada yahay inuu ka soo baxo, waxaanu yidhi “Waxa aanu u mahadcelinayaa Maxkamadda sare ama Maxkamada Dastuuriga labadaba wey isku haystaaye, wey noo yeedheen, waad og tihiin oo Madaxweynuhu waxa uu u soo gudbiyey inay tafsiir ka bixiyaan labadii go’aan ee la isku hayey kii Guurtida iyo kii Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu wada saxeexeen, markaa waxa ay noogu yeedheen wada tashi, waxa ILLAAHAY mahadi ah in Saddexdaydii Xisbiba isku raacnay oo aanu ka codsanay Maxkamaddu inay ixtiraamto go’aankii aanu wada saxeexnay, oo 2006 Doorashadu inay inoo dhacdo, inay taas noo ixtiraamana oo ay noo tixgaliyaan, ayaanu ka codanay, waxa aanu go’aaminayna maaha, wakhtigii ay Guurtidu go’aysay maanu beenin ha iska yaalo kaasi”

Faysal Cali Waraabe mar uu ka codsanaayey Maxkamadda sare inay go’aankan ixiraamto ayaa yidhi “Wakhtiga doorashada ayuu ahaa qodobka aanu anagu ka heshiinay kaas inay noo tixgeliyaan, ixtiramaana, oo bulshada Somaliland mujtamaca Somaliland oo aduunka oo dhamina barigeen saddexda xisbina baarigeen inay taas noo tixgeliyaan ayaanu ka codsanay, waana sugaynaa inuu noqdo go’aan wanaagsan oo kheyr leh oo dadkeena ka farxiya, oo cadawgeena ka nixiya inuu ka soo baxo”.

Dhanka Kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  Aadan Xaaji Cali ayaa isna ka hadlay kulankan ay la yeesheen Madaxda Axsaabta waxaanu yidhi“Sidaad la soctaan  siddeedii bishii Sideedaad ayuu Madaxwaynuhu usoo gudbiyay codsi fasiraad Maxkamada distuuriga ah qaraarkii dastuuriga ahaa ee Golaha Guurtidu soo saareen  iyo soo jeedintii Saddexda Xisbi, markaa si aanu arinkaa tafsiir uga samayno waxaanu u yeedhnay haya’ddaha ay khusayso siaanu wada tashi uga samayno sidaad Maanta (Shalay) arkaysayna waxaanu wada tashi la samaynay sadexdii xisbi oo wada jooga”