Wasiir Xirsi Oo Ay Dad Gadoodsani Xalay Ku Go’doomiyeen Cisbitaalka Edna Aden, Sababta Keentay Iyo Sidii Looga Furdaamiyay

1
4680

 

xirsi nacasHargeysa(Geeska)-Dhallinyaro gadoodsan ayaa xalay fiidkii wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ku oodday xarunta cisbitaalka Edna Aden oo uu booqasho ku tagay.

 

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya ujeedada uu wasiirku u tagay cisbitaalka.  Wararka qaar waxay sheegayaan inuu cisitaalka geeyay xaaskiisa, halka ay warar kalena sheegayaan in ay u wehelisay ujeedo ah booqashada dhallinyaradii ku dhaawacantay rasaastii ay ciidamada Boolisku ku rideen dadkii toddobaadkii hore ka mudaharaaday natiijada doorashada.

Wasiir Xirsi, oo la sheegay inuu keli ku ahaa booqashadaas, ayaa waxa markii laga war helay socdaalkiisa mar qudha kadimada cisbitaalka Edna isa soo dhoobay dhallinyaro gadoodsan oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah wasiirka iyo xukuumadda uu ka tirsanyahay, iyagoo codsanayay in banaanka loogu soo saaro. Waxaanay dhallinyaradu ka cadhaysnaayeen khasaarihii dhaawaca iyo dhimashada ahaa ee soo gaadhay dadkii degmada Axmed Dhagax ee mudaharaadka sameeyay toddobaadkii hore.

Dhallinyaradaas waxa la hadashay Maro Edna Aden Ismaaciil oo isku dayday inay dejiso iyadoo ka codsatay inay kala dareeraan, laakiin dhallinyaradu dheg uma jalaqsiin hadalkaas, waxaanu wasiirka madaxtooyadu qadar ku xanibnaa gudaha cisbitaalka. Laakiin markii dambe waxa qarsoodi lagaga saaray mid ka mid ah kadinada uu cisbitalku ku leeyahay dhinaca waqooyi, gaar ahaan kadin dadka loogu tallo galay oo ku sii jeeda saldhiga Axmed Dhagax. Warar xog-ogaal ah ayaana sheegayey in wasiir Xirsi uu muddo ku gabbanayey saldhigga Iftin ee degmada Axmed Dhagax oo markii dambe uu ka qaaday baabuur rayid ah oo gaar loo leeyahay. Balse dhallinyarada oo weli aaminsanaa inuu ku jiro gudaha cisbitaalka ayaa wakhti dheer sii hortubnaa kadimada cisbitaalka, oo ay kala dareereen mar dambe oo ay ogaadeen inuu albaabka dambe ka baxay.

Waa markii u horaysay taariikhda Somaliland ee ay dad shacab ah oo gadoodsani ay go’doomiyaan masuul sare oo ka tirsan golaha wasiirada, waxa aanay arrintani weji gabax ku tahay qasriga madaxtooyada ee uu wasiirku ka tirsan yahay oo ay dad badani ku dhaliilsan yihiin in uu madaxweynuhu ka baaqsaday in uu booqdo dhalinyaradaa dibad-baxyada ku wax yeelloobay oo uu dharaaro kadib qoysaskooda ka tacsideeyey

Dhallinyarada dhaawaca ah ee cisbitaalka taala, ayaa waxa ku jira wiil iyo gabadh ay xaaladoodu liidato, kuwaas oo dhawr goor lagu sameeyay qaliino kala duwan, balse aanay xaaladdoodu weli ka soo raynin.

Comments are closed.