Djibouti(Geeska)-Shirkadda Ali Jibriil Media Productions ee samaynta filimada Dhukumentiyada ah ayaa martiqaad rasmi ah ka heshay wasaaradda dhaqanka, dalxiiska iyo warfaafinta ee Djibouti, waxaana xuska 40 guurada qoritaankii far Somaliga oo Djibouti ka socda ka qayb galaya agaasimaha shirkadaas Mr. Ali Jibriil Xirsi oo ka tagay magaalada Hargeysa.
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo daxiisla ee Djibouti Md. Cabdi Xuseen Axmed, ayaa shirkadda Ali Jibriil Media Productsions u soo diray martiqaad rasmi ah si ay shirkadu wasaaradda ugu samayso filim Dhukumenti ah oo ku saabsan geedigii ay wasaaradu u soo martay hindisaha abaabulka xuska 40 guurada farta Somaliga iyo weliba doorka ay dawladda Djibouti ku leedahay ururinta iyo dib u soo noolaynta dhaqankii suubanaa ee Somalida iyadoo wasaaradu la kaashanaysa naadiga qalinleyda ee Somali Pen.
Shaqaale ka socda Shirkadda Ali Jibriil Media Productions ayaa si rasmi ah dalka Djibouti uga wada hawsha diyaarinta dhukumentigan, waxaanay saddexda maalmood ee soo socda ku sii guda jiri doonaan diyaarinta dhukumentiyadan. Mr. Cali Jibriil oo shirkadan agaasime ka ah ayaa wasiirka dhaqanka, warfaafinta iyo dalxiiska Djibouti uga mahadceliyay sida uu u xushay shirkadiisa, waxaanu balan qaaday inuu u samayn doono dhukumenti raaligeliya.