Golaha Deegaanka Burco Oo Doortay Maayar Iyo Ku- Xigeen Aan Lala Tartamin

0
688

 

burcoBurco(Geeska)-Golaha cusub ee deegaanka Burco ayaa shalay yeeshay fadhigoodii u horeeyay waxaanay Guddoomiyaha Golaha deegaanka Burco ahna Maayarka magaaladaasi u doorteen Maxamed Yuusuf Cabdi (Muraad) oo la sheegay inuu yahay xubinta ugu da’da weyn golahaasi, kaasi oo aanay jirin cid kula tartantay.

Sidoo kale waxa Golaha deegaanka Burco ay u doorteen Guddoomiye Ku xigeen ahna Maayar Ku xigeenka Burco Muxumed Axmed Xasan (Xoday), oo aan isna cidi kula tartamin jagadaas.

Fadhigan Golaha deegaanka Burco oo ku dhammaaday jawi degan oo ay 21-ka Xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay ay dibadda kaga soo munaaqishoodeen cida ay u dooranayaan Hoggaankooda, waxa fadhiga goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cadboo Axmed Aayir.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa hadal uu ka jeediyay gunaanadkii fadhigaasi waxa uu u hambalyeeyay Maayarka iyo Maayar Ku xigeenka cusub ee Burco, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu xilkaasi ku asturo oo ay ka noqdaan masuuliyiin ka shaqeeya oo mudnaanta koowaad siiya horumarinta caasimadda labaad ee Somaliland.

Waxa kale oo iyaguna dhambaalo hambalyo ah u diray golaha deegaanka Burco xubno ka mid ah aqoonyahanadda iyo waxgaradka degmadda Burco.

Golaha deegaanka Burco waxa uu noqonayaa kii u horeeyay ee doortay Maamulkooda tan iyo markii la shaaciyay dhawaan natiijadda doorashada deegaanka ee dalka.