Wasiir Xaashi Oo Ka Jawaabay Eeddo Xisbiga Waddani Xukuumadda U Jeediyay

0
499

Hargeysa ( Geeska ) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shacabka ugu baaqay inay si wayn uga qayb qaataan Diiwaangalinta Cod bixiyeyaasha Somaliland ee ka socota Gobolka Togdheer,

1

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu sidoo kalena Xukuumadda ka difaacay eedo uu XIsbiga Wadddani u soo jeediyey oo ahaa in aanay Xukuumaddu daacad ka ahayn Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha ee dalka ka socota.

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa Eedaasi ku tilmaamay kuwo layska yidhi oo nasiib darro ah, isagoo hadalo garnacsi ahna hawada u mariyey Asxaabta Mucaaridka ah, mudane Xaashia ayaa waxa uu arrimahaasi kaga hadlay Munaasibad maanta ka dhacday Madaxtooyadda Somaliland waxa haladiisii ka mid ahaa “ Waxaan jecealahay shacbiga Somaliland inaan halkan fariin uga diro wakhtigan aynu ku jirno ee Diiwaangalinta codbixiyeyaasha, Aniga oo ku hadlaya Afka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaan ku dhiiri galinayaa shacbigu inay ka qayb qaataan diiwaangalinta codbiyeyaasha  oo fursadaa ay ka faa’iidaystaan, gaar ahaan gobolka Togdheer ee ay imika diiwaangalintu ka socoto, Gobolka Awdal-na uu ku xigi doono sida ay Guddida doorashooyinka Qaranku qorsheeyeen. waa in loo diyaar garoobaa oo aynu ka faa’iidaysano, oo codkeena soo saarno, oo dadku ay xaqiijiyaan xuquuqdooda codbixineed ee aas-aasiga ah, waxaan leeyahay bulshadu ha ka faa’iidaysato.

Waxaan halkan ka cadaynayaa in Xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo uu Madaxweynaha ka yahay inay ka go’an tahay inay dalkan ka hir galiso Diiwaangalin madani ah, oo aan hore u dhicin taariikhda Somaliland oo ah guul weyn oo qarankani uu gaadhay, inta hadhayna hada ayaa dib loo bilaabay oo deegaanada la wada gaadhsiinayo, ahna mid waligeedba socon doonta, sidoo kalena diiwaangalinta codbiyeyaasa iyaduna ay tahay mid hada soconaysa oo inoo bilaabantay, waxay ka mid yihiin diiwaangalinaha Xukuumadda Somaliland ay horumarka u aragto, waxaana ka go’an inay hir galiso.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka Go’an tahay inay la shaqayso Komishanka Doorashooyinka waxaanu yidhi Waxa naga go’an in aanu garab galno guddida Doorashooyinka Qaranka,  nagamay soo caban Komishanku saluugna may muujin, dabac-na nagu dhaliilay oo qaybtii nalaga doonayey ee waajibka nagu ahayndna lama maqal, waxaan la xumahay Xisbiga Waddani madaxdiisa u saraysa inay Af labadiisa daan warbaahinta horteeda ka yidhaahdeen Xukuumaddu hawshaa Diiwaangalinta daacad kama aha, waa nasiib darro Erayada noocaas ahi, way shalan tahay in erayada noocaasa Warbaahinta laysu mariyo, Gudoomiyaha Waddani iyo Madaxdiisu Saluug ay qaabaan-na noomay soo gudbin, dhaliil ay qabaana may soo gudbin. anigu Madaxweynaha Masuulka la shaqeeya ayaan ahay noomay soo gudbin tabashooyinka ay ka muuqijnayaa shaqadaas anaga qaybta na khusaysa, warbaahinta ayaan ka maqlayey shacabigani waa mid bisil lama jaah wareerin karro, anagu Xukuumad ahaan Gudidda doorashooyinku cabatin noomay soo gudbin, balse waxaan leeyahay halka xisbiyada naga dhaliilayeen, Komishanku iyagoo warbaahinta la hadlaya ayey Madaxweynaha  iyo Xukuumadiisa Doorka ay diiwaangalinta ka qaateen hambalyeeyeen.  cida arrintaas masuulka ka ahni waa Gudidda Doorashayooyinka qaranka, iyagaana qiimaynaya arrintaa, cida labaad ee ay kaashanayaana waa Xukuumadda Xisbiyada qarankuna waa Daneeyeyaasha arrintan.”

Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa kale oo uu xusay in Sadex arrimood oo Xukuumadda laga doonayey ay Fulisay waxaanu yidhi “ Anagu ka Xukuumad ahaan sadex maysin ayaanu ku leenahay Kow, waxaanu ku leenahay nabad galayada qaranka inaanu sugno oo nabad galyada goobaha diiwaangalinata inaanu sugno, waa anagu waajib, waanu sugnay. Hadii aaanan daacad ka ahayn maanaan samayneen, laba waxa nalaga doonayey kharashka ku baxaya qaybtayada waanu bixinay, balse kii aanu isla ogayn xitaa EU-du ogayd mid ka badan ayaanu bixinay, oo soo baxay beesha Caalamkuna ay tidhi anagu kharash uma ahayno, Madaxweeynaha oo arrintani ay ka go’an tahay iyo Taariikhda uu doonayo inuu ka tago darteed ayaanu u bixinay. Madaxweyne aan tartamaynin waxa dhaxalkiisa wuu Umaddan uga tagayo ka mid inuu suuro galiyo Diiwaangalin sax ah iyo Doorasho xalaal oo dalka ka qabsoonta, anaga oo taas ka duulayna ayaanu meel marinay oo dhaqaale iyo culaysyo kale aanu qaadanay oo laga yaabo ina Xisbiyada mucaaridku aanay qaarkood xogogaal ka ahayn. Komishanka Qaranka ayaa, markhtaadi ka ah, oo iyagaana qiray.

Waxaaan leeyahay waxa naga go’an inaanu dalka ka hir galino Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyin,  arrintaasna waxa muujinaysa Safarkii Madaxda xisbiga KULMIYE ay ku tageen Gobolka Togdheer markii la furayey Diiwaangalinta, waxaan arkayey iyadoo arirntaas naglagu dhaliilayo, “Waar reerka Sidee loo galayaa,?”  marka Xisbi xaakimkii KULMIYE uu dhaqaaqo ee uu yidhaa dadku ha is diiwaangaliyo, in nalagu dhaliilo waa oo laga qayliyo marna ka yidhaa Xukuumadu daacad kama aha, erayadaasi waa kuwo iska hor imanaya waxa muujinaysaa in aanu nahay Xisbiga Kaliya ee Gudoomiyihiisu uu diiwaanglaintii tagay, waxanu nahay Xukuumad iyo Xisbi mudakar ah oo yooyootanka, dacaadayaha iyo beenta aan Siyaaasad u aqoon, ugu damybayn waxaan leeyahay waar codku ha dambeeyee aynu dadka Diiwaangalino.” Ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland.