Lix Qodob Oo Lagu Soo Gunaanaday Khilaafkii Ganacsatada Iyo Dekedda Berbera

0
599

Hargeysa(Geeska)-Waxa la soo gunaanaday khilaafkii u dhexeeyay ganacsatada Somaliland iyo maamulka Dekedda Berbera.

1

Madaxtooyada Somaliland oo soo farogelisay khilaafkaas, ayaa ku soo gunaanaday lix qodob, kuwaas oo ay aqbaleen dhinacyadii ay khusaysay oo kulan madaxtooyada shalay galab ka dhacay goob joog ka ahaa, waxaanu qodobadaasi kala yihiin sidan

1. In sideeda loo daayo Korodhsiimadii lagu sameeyay Handling Charge-ka ay dekedu Qaado kaasi oo ahaa Containerka 40ft laga qaado 200$ iyo ka 20ft 100$

2 in rate-ka dekeda noqdo 7000shlsl

3 in la joojiyo lacagaha overtime ee laga qaado ganacsatada waqtiyada caadiga ah ee shaqadu socoto

4 in mudada uu xaqa u leeyahay ganacsaduhu noqoto 14 cisho oo ka bilaabmaysa maalinta dhulka alaabta loo dhigo.( taasi waxa ay hore u ahayd 7 cisho)

5 in la joojiyo lacagta lagu goosto D/O taasi oo ahayd 50$

6 in alaabta hada dekeda taala dhamaanteed aan laga qaadin wax Storage ah