Wasiir Xaabsade Oo Qiray In Shirkad Gaar Ah Qandaraas Lagu Siiyay Liisamada Baabuurta

0
484

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa cadeeyay warar maalmihii u dambeeyay ay warbaahintu qoraysay oo sheegayay inuu shirkad gaar ah qandaraas ku siiyay bixinta liisamada Baabuurta.

Wasiir Xaabsade, wuxuu cadeeyay in wasaaradiisu shirkad gaar loo leeyahay qandaraas ku siisay samaynta iyo bixinta liisamada baabuurta, waxase uu ka gaabsaday inuu sheego magaca shirkadaas. Wasiirka oo habeen hore u waramay wargeyska Dawladda ee Dawan, wuxuu sheegay inay jiraan asbaabo badan oo keenay in shirkad gaar loo leeyahay lagu wareejiyo hawshan oo ay hore dawladu gacanta ugu hayn jirtay.  “ Wax badan baa keenay in lagu wareejiyo, waxa keenay iyada oo ay daraladu meel kastaba ka qaadanayaan oo aanay meeshii saxda ahayd, marayn, iyada oo shilalkii bateen, iyada oo aanu aragnay in aan cashuurtiiba keenay in habka la keeno oo darawaladii iyo baabuurtii la isku xukumo.” Ayuu yidhi Wasiirku, sida uu Wargeyska Dawan ku baahiyay cadadkiisii shalay.

Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade, oo uu Wargeyska Dawan weydiiyay su’aal ahayd  waxa uu ka qabo sharciga u yaala Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka in bixinta liisamada darawaliinta gaadiidka lagu wareejiyo shirkad gaar loo leeyahay waxa uu yidhi , “Wax diidaya ma jiro, waxaanay taasi la mid tahay bixinta lambarka baabuurta sida ay shirkad gaar ah u bixiso oo kale ayuunbay la mid tahay”.

 Marka laga yimaado warka kooban ee uu wasiirku siiyay wargeyska Dawan, ma jiro faahfaahin kale oo la xidhiidha sifaha loo bixiyay qandaraaskan, waxase uu u muuqdaa in la bixiyay iyadoon wax tartan ah loo gelin, maadaama oo aanay jirin meel lagu baahiyay tartan qandaraaskaas loo galo.