Madaxweyne Siilaanyo Oo 12 Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidamada Qaranka, Booliska, Asluubta Iyo Badda Ku Taxay Darajooyin

0
651

 

koofilsHargaysa( Geeska )- Xuska 19-aad ee sanad guuradii ka soo wareegtay markii cagaha loo taagay ciidamada qaranka Somaliland, ayaa munaasabad balaadhan loogu qabtay taliska guud ee ciidamada qaranka.

Munaasabadan waxa uu madaxweyne Md.Axmed  Maxamed Siilaanyo uu ku gudoonsiiyay darajada ciidamada taliyaha ciidamada qaranka,abaanduulaha ciidamada qaranka,taliyaha booliska,ku xigeenkiisa, taliyaha ciidamada Asluubta iyo ku xigeenkiisa, taliyaha ciidamada bada. Waxaanu guud ahaan gudoonsiiyay darajada ciidamada 12 sarkaal, oo kala ah:

1)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa laga dhigay Derejada sareeye Gaas.
2)- Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa laga dhigay derejada sareeye Guuto.

3)- Taliyaha Ciidanka asluubta Maxamed Xuseen Xiirane ayaa laga dhigay Derejada Sareeye Guuto.4)-Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Cismaan xasan ayaa laga dhigay Derejada Sareeye guuto.
5)-Abaanduulayaasha koowaad iyo labaad ee Ciidanka qaranka iyo taliyeyaal ku xigeenadda koobaad iyo labaad ee ciidanka Booliska Somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Sareeye guuto.

6)- Taliyayaal ku xigeenada koowaad iyo labaad ee ciidanka asluubta somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Gaashaanle sare.

  

  Munaasabadan xuska iyo darajo siinta isugu jirtay oo si weyn loo soo agaasimay isla markaasna amaankeeda loo adkeeyay, waxa ka soo qaybgalay tiro badan oo ka mid ah haldoorka dalka,Qunsulka Xafiiska dawlada Itoobiya ee Somaliland iyo ciidamo tiro badan.

 

Ugu horayntii munaasabadaas waxa khudbad ku saabsan darajo siinta ciidamadan ka jeediyay wasiirka gaashandhiga Md.Axmed Xaaji Cali Adami, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa   Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Derajooyinku waxay ku kooban yihiin oo la siinayaa ilaa 12 sarkaal oo xil qaran haya oo ku Magacaaban digreeto Madaxwayne, maadaama oo ay bilow tahay. Waxa ciidamada loo horumarinayaa inay tusmo u noqoto dadkii wax sheega badnaa ee odhan jiray Madaxdu xagan kamay soo bixin ee xagan kale ayay ka soo baxday, markaa ku quuso qudhaanjo ayaa la odhan jiray, waxaana la tusayaa in dawladda maanta dhisani aanay safaadka badan aqoon, wax aanay qabanayn dadka uguma balan qaado oo waxeedu waa keeg miiska yaala, markaa waxaan ugu bushaaraynayaa dhamaan ciidamada heeganka u ah nabadgalyada qaranka inay darajadii la diyaariyey oo gaadh laga hayo, maalinta ILAAHAY idmo loo qaybin doono, iyadda oo ay ku dhan yihiin guud ahaan lixda Gobol ee aasaaska ah, iyadda oo loo cadayn doono sida kuwan maanta loo cadeeyay.”

Taliyaha ciidamada qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamuud Shaqale, oo munaasbadaas ka jeediyay khudbadii, ayaa ugu horayntii u mahadnaqay dhamaan xubnaha ciidamada qaranka iyo qoysaskooda, waxaanu sida oo kale yidhi “ Waxa sune taariikhiya ah in dawlad waliba yeelato ciidan ilaaliya sharafteeda karaamadeeda  iyo Qaranimadeeda, suurto gal maaha in qaran dhisnaado isaga oo aan lahayn ciidan ka difaaca soohdimahiisa cadaw dibadeed iyo mid gudaha laga abuuroba. Iyada oo taas laga duulayo waxay jamuuriyada Somaliland aasaastay  ciidanka qaranka 2 bishan labaad 1994-tii, laga soo bilaabo maalintaas waxa uu guntiga dhiisha iskaga dhigay isaga oo curdin ah inuu tunka u rito waajibaadka culus ee qaranku u xilsaaray, si uu u guto waajibaadkaasna waxa lagu da’daalay hirgalinta qaabdhismeedkiisa tababarka qofeed ee xubintiisa iyo qalabayntiisa.” Taliyaha oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi “ Mudadaas sagaal iyo tobanka sano ah waxa uu ciidanku kaga gudbay duruufahii qalafsanaa ee mar walba hortaagnaa qaran jacayl,naftii huranimo iyo tababarada is daba jooga ah ee madaxda ciidanku ku da’daalaysay. Sanadii u danbeeyay waxa ciidanka qaranka ku soo kordhay dhiig cusub oo saraakiil ah kuwaas oo wax ku soo bartay kuliyadaha kala duwan ee dalalka aynu jaarka nahay, waxaanu iyagna abuurnay cutubyo si gaar ah u tababaran oo kamaadaws ah oo si fiicaan u qalabaysan looguna talo galay inay jawaab dagdag ah ka bixiyaan meelaha loo baahdo.”

Ugu danbayntii waxa uu taliye Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamuud Shaqale uu madaxweynaha ka codsaday “ Madaxweyne iyada oo ay sugan  tahay in qofku hawlgabo hadii uu askari yahay iyo hadii uu shaqaale kale yahayba waxa mudan in qarankiisu daayac tiro, sidaas darteed mudane madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa in la aasaaso lana hawlgaliyo haayadii xaqsiinta ciidamada qalabka sida, si loo abaalmariyo midka geeriyooda midka halgaba iyo midka shaqada si caadi ahba uga taga.”

Ugu danbayntii Madaxweyne Md.Amxed Maxamed Siilaanyo ayaa munaasabadaas ku soo af-meeray mahad calintan  “ Waxa maanta farxad weyn ii ah inaan ka soo qaybgalo sanad guuradii 19-aad ee aasaasida ciidamada qaranka, waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidamada qaranka ee marwalab heeganka u ah difaaca qarankeena, waxa farxad ii ah in dawladaydan ay u suurto gashay in darajooyinkii ciidamada aanu sugno sidii aan u balan qaaday wakhtigii doorashada, oo maantana aanu balan qaadkaas fulino, ugu danbayntana waxaan u mahadnaqayaa gudidii darojo baxinta.”