Suldaan Cumar Oo Ka Hadlay Xuska Ciidamada Qaranka, Eedana U Jeediyay Guddiga Doorashada

0
479

 

sudalaan kakaHargaysa( Geeska )- Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldan Faarax, ayaa xukuumada u soo jeediyay inay amaanka iyo wada jirka dalka ay ilaaliso, isla markaasna waxa uu umada Somaliland ugu baaqay inay ka fakaraan horumarkooda oo ay meel iska dhigaan arimaha Somaliya ayna qaranimadooda xajistaan.Sida  oo kale waxa uu suldaanku dhaliilo u soo jeediyay xildhibaanada golaha wakiilada iyo golaha guurtida, waxaanu sheegay inuu aaminsan yahay in komishanka doorashooyinka la soo taagi doono maxkamad sababo la xidhiidha doorashadii,sida oo kale waxa uu hanbalyo u diray ciidamada qaranka iyo guud ahaanba shacabka Somaliland oo uu ku hanbalyeeyay xuska maalinta aasaaska ciidamada qaranka.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldan Faarax oo ugu horayntii hanbalyaynaya ciidamada qaranka iyo shabiga Somaliland waxa uu yidhi “ Waxaan jelahay inaan munaasabadan Somaliland qaaliga ku ah ee la aasaasay ciidamada qaranka halkan hanbalyo uga diro ciidamada qaranka iyo qoysaskooda, waxaanan leeyahay sanadkan kiisa alle haynagu  gaadhsiiyo nabad iyo wanaagaba, waxaanan hanbalyo u dirayaa sida oo kale umadda reer Somaliland.”

Suldaan Cumar waxa uu intaas kadib hadalkiisa ku bilaabay  “Runtii waxa haboon marka ay wax dhacaan in lays waydiiyo waana arin lagama maarmaan ah, arintaasu runtii siday aniga iigu muuqatay sababo badan ayay lahayd ugu horayna waxa bilaabay golaha wakiilada, waayo doorashii doorahadaas ka horaysay diiwangalin ayaynu ku galnay waxaanay qabsoomidoodu inoogu dhacday si wanaagsan, baarlamaanku intay fadhiisteen ayay masaxeen diiwangalintaas oo arinkii waxay ka dhigeen jaantaa rogan, waxaanan qabaa in qaloocii ugu horeeyay uu halkaas ka dhacay. Barnaamijyada inta badan gala golaha wakiilada mar walba waxay abuuraan carqalad iyo dhib, markii diiwangalintaas la samaynaayay farsamadeedii oo laysku diidanaa  sidan imika dhibaatooyinku uga dhaceen oo kale ayay uga dhaceen dadbaana ku dhintay, tan imika ay bilawgeeda lahaayeena waynagaa aragnay in dhibaatooyinkeeda wax inaga soo  daareen, markaas iyaga farsamdooda waxaan u arkaa niman mar walba barnaamijka Somaliland kharibaaya sameeya oo saldhig u ah, waxa kaliyaata ee aan is yidhaahdo malaa waa ay ku wanaagsan yiiina waa inay yidhaahdaan aynu mushaharka kordhisano, laakiin faa’ido kale inay dalka iyo dadka u hayaan uma arko.Guutidu iyadu waxay inoogu abuurnayd inay nabadgalayda ka shaqayso, waxaanay Soomaalidu ku maah maahdaa Rag aamusay  iyo Riyo aamusay labaduba reerkoodii waa ay gabeen, guurtidu wax yaabahaas ka dhacaayay dalka marna kamay hadal, kamay hawlgalin ilaa maantana waa ay ka aamusan yahiin, ayaandarooyinka dadka haystana waa ay ka mid tahay.”

 

Suldaanku isaga oo komishanka ku dhaliilaya doorashadii deegaanka waxa uu yidhi “ Halka ugu halisaysan ee barnaamijkaas doorashooyinka qaladka ugu weyn gashayna waa gudigii doorashooyinka qaranka, oo runtii aan u arko barnaamijkaas ay galeen inuu halis ku ahaa Somaliland midnimadeeda,nabadgalyadeeda iyo shacabkeeda oo ay meel ka dhac ku hayd farsamooyinkii halkaas ka dhacay, waxaana haboonayad marka qofku danbi galo in danbigiisaas lagu qaado, gudidaas doorashooyinka waxaan u arkaa inay dadka danbi ka gashay oo ay qaranimada Somaliland danbi ka gashay  in lagu qaado danbigaasna waan soo dhawaynayaa, waayo waxyaabo badan ayay fududaynaysaa hadii talaabadaas lagu dhaqaaqo.Doorahadaas mucjisooyin badan ayaa ka samaysmay oo runti waxaa ka xasuustaa nin deegaankiisii iska soo sharaxay oo magac ku lahaa deegaankiisaas, oo la yidhi waxba meesha ka maad helin, xataa kii uu isagu isugu riday, mucjisooyinka doorashada laga arkay ayay ahayd, waxaanan nimankaas aaminsanahay in dunuubtooda mar uun lagu qaadi doono.Arimahan ay doorashooyinku inagu keeneen waxaan aaminsanahay in wada hadal lagu dhameeyo iyo daganaasho, taasna waan soo jeedin lahaa.”

Ugu danbayntiina waxa uu suldaan Cumar Suldaan Maxamed hadalkiisa ku soo gunaanday sidan  “ Ugu danbayntii waxaan  ka hadli lahaa hadal haynta Somaliya, inbadan ayaa ka hadasha hadal haynta Somaliya ayaa la ictiraafay arimhaas ayayna dadkii haatan u badan yahiin hadal hayntooda, qofka aadmaha ahina waxa uu hadal hayaa waxa uu jecel yahay, waxaana ka haboonayd dadka rimhaas ka hadlaa inay ka hadlaan Somaliland arimaheeda, waxaanan doorbidayaa in dadkaasu ay ka hadlaan Somaliland midnimdeeda,nabadeeda iyo walaaltinimadeeda, barnaamijkaas wada hadalka ee bilaabmayna  Waxaan odhan lahaa juqaalkisii ha laynagaga celiyo, oo halkii aynu markii hore aynu u taagnayan aynu taagnaano oo waxaan odhan lahaa waxba  yaan halkaas loo hanqal taagin, Somalilandna dadkeeda ayaa go’aanka iska leh cid rari karta oo meel kale gayn kartaana ma jirto, umaddna waxaan leeyaay Somaliland iimaansada, waxaanan leeyhaya Somaliland nin ka baxsan barnaamijkiisa yaanay waxb au dhag taagin, waajibaadka ina saarana waa in aynu midnimadeedna, wada jirkeena iyo horumarkeena aynu ka shaqayno.Xukuumada waxaan kula talin lahaa inay nabadgalayda iyo midnimada Somaliland oo aad moodo inay sii wiiqmayso adkayso, waxii wanaag iyo talo ah ee la soo jeediyayna ay qaadato, dadka had iyo gooraale wax kala daadinayana ay iska ilaaliso.”