Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee warfaafinta oo loo magacaabay wasiirka hawlaha guud Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay wasiirka cusub ee warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo dhawaan ka mid noqday golaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiir Xaabsade, ayaa khudbad oo halkaas ka jeediyay wuxuu ku soo qaaday dhawr mawduuc oo dadkii munaasibadda ka qayb galay ay si weyn ugu dheg taageen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen madax banaanida saxaafadda, shaqaalaha telefishanka qaranka iyo aragtida qurbo jooga reer London, halgankii SNM iyo qaddiyadda Beesha Dhulbahante ee uu ka soo jeedo dhalasho ahaan.
Ugu horayn isagoo ka hadlaya saxaafadda madaxabanaan wuxuu yidhi “Nin walba siduu doonuu wax u qoraa, wuxuu doonana wuu ku hadlaa, sharcina ma qabanaayo, kii uu qabtana ummadda oo dhan baa ka qaylinaysa oo waxa la leeyahay saxaafadiibaa la cidhiidhiyey oo waxa loo diidan yahay inay madaxbannanaato, waxaan leeyahay Saxaafaddu way madax bannaan tahay, madaxbannaaniduna sidaas maaha ee waa inay sharci leedahay oo lagu kala dambeeyo, laguna kala dambeeyo, maaha in qof la iska dacaayadeeyo, maaha in qof la dhaleeceeyo, manaha inaad dalkaaga wax xumaan ah ka sheegto, waxa dhacda waxyaabihii la qarin jiray ee dalka u gaarka ahaa in saxaafadda lagu qoro, waxaana ka mid ah ciidanka qaranka, waana ka mabnuuc in ciidanka wax laga sheego, maxaa yeelay dawladaan loo ogolayn inay dalka wax ka oggaato, markaa saxaafaddu xageebay joogtaa, waxa la sheegaya ciidan baa halkaas ka dagaalamay, ciidankaasi wuu jabay, waar waxaasi waa qoomiyad xumo.”
Isagoo ka hadlaya shaqalaha telefishanka qaranka iyo aragtida qurbo jooga, wuxuu yidhi “Berigii dhawayd ee aan tagay Ingiriiska dacwadii ugu badnayd ee naloo soo qadimay waxay ahayd shaqaalaha TV-ga qarank ka hadlaa aqoon uma laha.waa la inaga cawday. Waxa kale oo nalooga soo dacwooday arrimaha dhaqanka kuma wanaagsana. 50 hablood oo reer Somaliland ah ayaa markii aan London tagay I casuumay oo casuumad gaar ah ii sameeyay. Waxay yidhaahdeen waxaanu idinka rabnaa inaad carruurtayada yar yar ee London joogta aad dhaqanka bartaan oo aad Telefishanka laga soo daayo hidaha iyo dhaqanka sida heesaha caanaha lagu lulo, kuwa guryaha lagu dhiso iyo heesaha xoolaha.”
Wasiir Xaabsade, oo inta badan caan ku ah marka uu meel fagaare ah ka hadlaya inuu dhinac walba u rido, wuxuu isagoo sheeko kale ku jira ay la jiidhay erey uu dareemay inay dadkii dhagaysanayay dhibsadeen oo ah umadda Somaliyed isagoo malaha u jeeday umadda Somaliland, waxaanu yidhi “Wargeyska. Telefishanka iyo idaacaddu waxay u dhaxeeyaan ummadda Soomaaliyeed ee dee Somaliland. Yaanay noqonin wax la kala dhawaysto. Waar horta Soomaaliya waa la isku tagay oo waa la isu imanayaaye’e, yaanay waxba idin dhibin. Waa la isu imanayaa,waa la wada hadlayaa miis baana la wada fadhiisanayaa. Taasi waa tii soo dhammaatay oo waa laga gudbay.”
Xaabsade, wuxuu soo hadal qaaday tabashada Beesha Dhulbahanate, isagoo dawladda uu ka tirsanyahayna saxaafadda farriin u mariyay, “Reer Tolkay way inaga maqan yihiin oo way ina diidan yihiin. Siyaasad ahaan ayay inoo diidan yihiin si kale inooma diidana. Hadh galayna halkan (Hargeysa) ayay ka tageen waxa lagu yidhi orda oo iska taga. Dadkii markaa arrintaasi go’aamiyay maanta cidi kama joogto. Laakiin waxa xukunkii haya raggii diidanaa arrintaasi. Waxaan leeyahay sidii dadkaasi lagu soo celin lahaa iyo wixii lagu muunayn lahaa hala baadi doono oo dawladdu ha doonto oo ha u fadhiisato oo dagaal sokeeye ninna waxba tari maayee la wada hadlo. Waxaan Tolkay u sheegayaa inaanay beeli waxba tarayn.”
Wasiirka hawlaha guud Md. Xaabsade, wuxuu ka hadlay halgankii SNM iyo taariikhdiisa oo loo dhigo ardayda Somaliland, “Waxaan taabanayaa waxa halkan lagaga hadlayay SNM iyo dadkii soo shaqeeyay. Manhajkeena waxbarashadda ayaa lagu daray SNM, wiilashii aan SNM ahayn ee aan ku abtirsan ee iyaba mujaahidiin lahaa haddii aan lagu darin manhajka wax la wadaagi maayo. Waa in daraawiishtii lagu soo daraa. Waa in lagu soo daraa raggii gaalladda inaga celiyay ee diinta u dagaalamay ee labaatankii aynu soo dagaalanay in leeg dagaalamay ha lagu darro manhajka oo wasaaradda waxbarashadda ha loo sheego. Wasiirka warfaafintuna ha sii fidiyo.”
Axmed Cabdi Xaabsade, wuxuu aad uga sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilka hayay oo uu ku wareejiyay wasiirka cusub ee warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaale, oo isna halkaas ka jeediyay hadalo uu ku sheegay inuu wasaaraddan u yimid gurmad ee aanu u imanin inuu ka xoolaysto.