London (Geeska)- Wargeyska caanka ah ee Sharqal-Aawsat oo ka soo baxa magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa warbixin uu labada toddobaad ka hor ka qoray waraysiyo uu la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda iyo gudaha ee Somaliland waxa uu ku bilaabay in Somaliland ay bulshada caalamka, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabtaba ugu baaqayso in ay aqoonsadaan qarannimadeeda, maadaama oo ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa qarannimo buuxda, oo ay ka mid yihiin ciidamada milateriga, booliiska, laamaha amniga iyo baarlamaan doorasho ku yimi, isla markaana ay aqoonsan tahay dhammaan axdiyada caalamiga ah.
Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xiganayo Sharqal-Aawsat oo ku hadla afka Carabiga, cadadkii 12960naad ee soo baxay 23kii bishii hore ee May, ayaa lagu yidhi, “Xukuumadda Somaliland waxa ay caddaysay in aanay marnaba ku fikirayn midow dhex mara Soomaaliya, waxa aanay shaaca ka qaadday in ay safaarado ku leedahay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, isla markaana uu macaamil iyo wada shaqayni ka dhaxayso dalal badan iyo hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey, waxa aanay jaamacadda Carabta ugu baaqaysaa in ay kala shaqayso sidii ay Somaliland aqoonsi ugu heli lahayd madax-bannaanideeda ay haysatay muddada 20 sano ka badan”
Wariye Samiir Sirri oo warbixintan ka diyaariyey waraysiga uu la yeeshay labadan wasiir ee xukuumada Somaliland ka tirsan ayaa sheegay in Somaliland ay maalinta 6da Bisha Sagaalaad ee sannad kasta u aqoonsatay maalin wadaniya oo ay isu soo baxaan shacabka Somaliland si ay u muujiyaan qadiyaddooda, taas oo ah ol’ole ballaadhan oo ay ku doonayaan in dunidu ku aqoonsato Somaliland. Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa wargeyska u sheegay in dadaalka Somaliland ugu jirto aqoonsigu aanu mar keliya joogsan doonin, iyo in dalkiisu uu xidhiidh aad u fiican oo horumar ku socda la leeyahay dalalka Afrika ee deriska la’ ah. Waxa aanu carrabka ku adkeeyey in xukuumadda uu ka tirsan yahay iyada oo kaashanaysa dalalka gobolka ee ay jaalka yihiin iyo bulshada caalamka ay ka shaqayso la dagaallanka dembiyada xuduudka dalalka isaga gudba.
Wasiir Cali Maxamed Waran-Cadde oo ka hadlayey arrimaha Tahriibka oo uu wargeysku wax ka weydiiyey sababaha keena tahriibka dhalinyarta reer Somaliland ee badaha ka tallaaba ayaa waxa uu yidhi, “Faqriga iyo Shaqo La’aanta ayaa sabab u ah in dhalinyaradu ay u tahriibto dalalka reer Yurub, waxaana ka hor timaadda khatarta dhimasho ee badaha” Isaga oo sheegaya aragtidiisa xalka arrinta tahriibka lagu joojin karana waxa uu wasiirku yidhi, “Faqriga oo lala dagaalamo, iyo in bulshada caalamku ay caawimo siiso dalalka Afrika ayaa ka mid ah sababaha yarayn kara tahriibta iyo in dhalinyaradu isku qaaddo badaha aan la garanayn waxa ay kala kulmi doonaan” Wasiir Waran-Cadde waxa uu ka hadlay sida aanay bulshada caalamku Somaliland uga caawin joojinta tahriibka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Caalamka wax caawimo ah kama helno, haddii ay taasi sii jirtana waxaa dhici doona mushkilado ah dembiyada xuduudka ka gudba. Sidaa awgeed waxa aanu bulshada caalamka ugu baaqaynaa in ay arrintaas dhugmo u yeelato, si wax looga qabto inta aanay sii badan dembiyadan oo aanay annagana na soo gaadhin”
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa meesha ka saarary in wax midnimo ahi mar kale dhex mari karto dalkiisa iyo dowladda Muqdisho, waxa aanu yidhi, “Maba joogno waqti ku habboon in dib loogu noqdo midnimadii, haddii ay tahay midnimo nidaamka Konfadaraalka loo yaqaanno ah iyo haddii ay tahay wax kale midna” Wasiir Waran-Cadde waxa uu deedafeeyey aragtida ah in Somaliland iyo Soomaaliya ay wadaagaan afka iyo in diinta ay wadaagaan labada dhinac ay noqon karto arrin lama huraan ka dhigaysa midnimada, waxa aanu ku adkaystay in aanay suurtogal ahayn in diintu ay noqoto sababta keliya ee lagu midoobo. Wasiir Waran-Cadde waxa uu meesha ka saaray in ay Somaliland iyo Soomaaliya isku af (Luuqad) yihiin isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Run ma’aha in aanu isku af nahay Soomaaliya, Carabta ayaa aaminsan in aanu af keliya ku wada hadalno, laakiin taas waxba kama jiraan” Wasiir Cali Maxamed Waran-Cadde waxa uu sheegay in Lixdankii wixii ka horreeyey ay Somaliland ka madaxbannaanayd Soomaaliya, oo ay iyadu midnimada doontay, isaga oo ka hadlaya sababta midnimadaa ay dooneen ay hadda u diidan yihiinna waxa uu yidhi, “Waxaa naga hor yimid danayn la’aan lanaga soo qaaday wax aan muhiim ahayn, dagaalkii aanu galnay kadibna waxa aanu qaadnay afti dadweyne oo aanu ku go’aansannay in aanu mar labaad noqonno dal madax bannaan” Ayaa uu yidhi, Isaga oo niyad wanaag badan ka muujiyey in ay Somaliland dhaqso aqoonsi uga heli doonto Qaramada Midoobey iyo dalalka dunida, maadaama oo aanay jirin sabab arrintaas diidaysaa. Wasiir Waran-Cadde oo wargeyska Sharqal-Aawsat uga warramay xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka deriska ah ayaa sheegay in xidhiidh aad u fiican oo xooggan ay Somaliland la leedahay dalka Itoobiya, iyo Jabuuti, kana shaqaynayso sidii ay u sii horumarin lahayd xidhiidhka ay la’ leedahay dalka Koonfurta Suudaan, waxa aanu caloolyow badan ka muujiyey xasaradaha ka jira dalalka Geeska Afrika oo uu sheegay in ay saamayn ku yeelan karto Somaliland, haddii ay tahay dhibaatada ka taagan Koonfurta suudaan, ama khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Eriteriya ama Sudan iyo Masar, arrintaasina ay warwar ku hayso Somaliland. Ugu dambayntiina Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu ku dhawaaqay in maalinta Lixaad ee bisha Sagaalaad (6 September) sannad kasta ay noqon doonto maalin qaran oo muwaadiniintu isu soo baaxaan si ay dunida uga codsadaan in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca kalana waxa uu wargeyska Sharqal-Awsat warbixintan ku baahiyey waraysi uu isna ka qaaday wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo u sheegay in dalkiisa oo kaashanaya dowladaha la saaxiibka ah iyo ururrada caalamiga ah iyo kuwa gobolku uu halgan adag ugu jiro sidii uu u heli lahaa aqoonsi uu xubin kaga noqdo Qaramada Midoobey, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa uu shacabkayagu xaq u leeyahay in uu ku noolaado xorriyad iyo madax bannaani, xuquuqda ay damaanad qaadeen axdiyada qaramada midoobey ayaanay ka mid tahay in uu shacab kastaa xaq u leeyahay in uu aayihiisa ka tashado” Wasiir biixi waxa uu sheegay in dhammaan masuuliyiinta caalamiga ah ee ay la kulmeen u muujiyeen niyad samaan, isaga oo arrintaas ka sii hadlayana waxa uu yidhi, “Dhammaan masuuliyiinta aanu kala kulannay bulshada caalamka, kuwa gobolka iyo kuwa Carabtaba waxa aanu ka maqalnay hadal wanaagsan… waxa aanu samraynay muddo ka badan 20 sano, mana garanayno sabab uu intaas oo dhan ugu dib dhici karo aqoonsigayagu” Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay in Somaliland ay leedahay khayraad fara badan, maalgashadayaal badan oo carbeedna ay booqashooyin is xiga ku yimaaddaan si ay u maalgashadaan Somaliland.