Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Digay In Khilaafka KULMIYE Mar Kale Dib U Soo Laabto

0
432

Picture5Hargeysa(Geeska)-Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee  UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in khilaafkii Xibiga Kulmiye ee la soo afjaray in aanu ahayn go'aankaasi mid si toosa u taabanaya boogta iyo meesha keentay dhaawaca  ee uu ka abuurmay khilaafka Xisbiga Kulmiye,waxaana uu sheegay  in haddana ay dhici karto in markale uu Khilaafkaasi soo noqon karo.

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa hadalkan ka sheegay wakhti uu in muddo ah uu dalka diba kaga maqnaa oo uu Shalay Dalka dib ugu soo laabtay,waxanaa isaga oo warbaahinta kula hadlaaya Qolka nashada ee Garoonka Cigaal International Airport ayaa ugu horayn uu u mahad celiyey Golaha Guurtida ee isku Xilqaamay in ay  soo afjaraan Khilaafka Xisbiga Kulmiye,isaga oo kuna  aamanay kaalintooda dadaal ee had iyo jeer ay ugu heelan yihiin sidii ay uga shaqayn lahaayeen wax kasta oo wanaaga, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay "Arinkan Xisbiga Kulmiye waa Illaahay mahadii oo waxaan leeyahay Guurtida idinku hawshiinii waad ka soo baxdeen Somaliland-na waa ay ku soo caano maashay nabad galyada iyo idinka oo marwalba ka shaqaynaaya wax walba oo wanaagsan,laakiin waad ogtihin oo waxaan idiin sheegayaa in Xisbigii UDUB uu ku burburay Xaqdaro iyada oo madaxdii Xisbigu ay madaxa iska duubtay Xisbiga taasina waa ay u tahay Hoga Tusaalayn oo waadigaa arkaaya Kulmiye waxaa ka socda,Hoga tusaale UCID iyo WADDANI ba waa ay u tahay oo baritaba haddii ay waxan oo kale ay dhacaan ay sumcad daro iyo dhibaato ay ku tahay iyo Dimuqraadiyada laftarkeediiba Aniguna aniga oo Guurtida u mahad naqaya oo aan leeyahay kun jeer ayaad mahadsan tihiin ".

Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu carabka uu ku adkeeyey in ay lagama maar maan ay tahay in Xisbiga Kulmiye ay ku dhaqmaan Shuruucda u taala Xisbigooda, waxaanu yidhi"Haddana waxaa aan leeyahay Xisbiga dhexdiisa arinkaasi waxaa uu ahaa Aspro(Dawo) oo la siiyey oo xanuunka uun biinaaya Xiligaasi laakiin nabarkii iyo guntii looma dhaadhicin oo lama dhayin,marka ay xumadu se ka dhamaato lama garanayo waxa dhici doona markaa waxaa wanaagsan in sharciyada la raaco oo Xisbigu sharci ayaa uu leeyahay kala danbayn ayaa uu leeyahay maaha in uu qof iska maroorsado ama cid ama koox iska maroorsato”.

Musharaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ugu danbayntii waxaa uu walaac xoogan ka muujiyey hab dhaqanka Ciidamda RRU-da,waxaana uu tibaaxay in aanay wanaagsanayn in dad sharaf iyo karaamo ku leh dalka ay ula dhaqmaan si ka bax san shuruucda dalka, waxaanu yidhi "Waxaan aad uga xumahay wax yaalahan imika inagu soo kordhay ee ah ciidankan habeenkii u daadanaaya dadka,waad ogtihiinoo dad waaweyn oo muhiima oo aynu naqaano oo sharaf iyo karaamo ku leh umada oo ka mid ah oo uu ugu danbeeyey Cabdilaahi Abokor, iyo Guuleed dad fara badan oo karaamo iyo sharaf lahaa oo madax ahaa ayaa habeenkii saqdii dhaxe gurigoodii loo daatay waana wax ugub ku ah Somaliland,ciidankan la tababaray ee RRU-du waa ciidan loo tababaray in ay u daataan dadka argagixisada ah in ay u daataan laakin maaha in dadka caadiga ah ama madaxda ah ee sharafta iyo karaamada ku leh umada dhexdeeda in ay u daataan"