Wasiir Warancade Oo Sheegay In Rasmi Loo Furay Xuduudka Djibouti Iyo Somaliland

0
626

Picture4Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay inaanay jirin cid reer Somaliland ah oo ay ku wareejiyeen dawladda Djibouti, kuwaas oo lagu eedaynayo inay ku lug lahaayeen qaraxii dhawaan ka dhacay wadanka Djibouti.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo shalay Warbaahinta u waramay ayaa ka hadlay ujeedada Safarkii ay dhawaan ku tageen Jabuuti ,isaga oo sheegay inay la kulmeen  Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah Madaxda Jabuuti, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen amniga iyo xuduudaha labada dal.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale ka hadlay safar ay dhawaan Xukuumadda Somaliland ku tagi doonto Itoobiya iyo waxyaabaha ay ka soo wada hadli doonaan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Sida aad hore u maqasheen waxa aan tagnay Jabuuti aniga iyo wefti aan hogaaminayo,waxaana u tagnay inaan ka soo wada hadalno  dhibaatooyinkii ka dhacay Jabuuti barigii dhawayd,waxayna keeneen isku socodkii labada dal iyo dadweynihiiba saameeyey,sida awgeed  sidii wax looga qaban lahaa arintaas isla markaasna nabadgeliyada Umadda ama Labada Qaran loo ilaalin lahaa, isla markaana waxa aanu is aragnay Madaxweynaha Jabuuti,Wasiirka Daakhiliga Jabuuti,Wasiiro kale iyo Hay’adihii nabadgeliyada, waxaana ku heshiinay in isku socodka iyo Ganacsiga labada dal la fududeeyo,wixii xaga amniga ka dhiman Dawaladda Jabuutina dhameeys tirto, sida awgeed aniga oo aad iyo aad ugu mahadcelinaya Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxda kale ee Jabuuti sida quruxda badan ee ay noola qaateen ama aanu iskula fahanay in intii dhibaatada la yareeyn karo la yareeyo, Shalaytana (Doraad), waa la soo daayey Baabuurtii,Kontiinaro fara badan oo gaadhayey ilaa laba boqol ilaa Shalay (Doraad), waa la guraayey,wixii dambe sidaas ayaa loo wadayaa, iyada oo aanay meesha ka baxayn in Qaran walba nabadgeliyadiisa ilaaliyo,Umadda iyo Shucuubta labada dalba Dawladdaha masuul ayaa ka saaran nabadgeliyadooda, waxaana isla garanay in si joogta ah  u wada shaqayno,runtiina aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaya Madaxda iyo Shacabka reer Jabuuti”

Wasiirka Arrimaha Guddaha isaga oo ka hadlay xadka Itoobiya ay xidhay waxa uu yidhi “Xaga Itoobiya waxa jira xooga xaga Xuduuda ah,waxaanan jecel ahay inaanu tagno,oo iyada laftigeeda ka wada hadalno sidii loo fududeeyn lahaa isla markaana Wadan walba xaq u leeyahay inuu nabadgeliyadiisa ilaashado haddii ay Somaliland tahay,haddii ay Jabuuti tahay iyo haddii Itoobiya  tahayba, haddana wixii dhexdayda ah ee la fududeyn karo in la fududeeyo,madaama Dawladdahaas isku wanaagsan ahay, iyagana waanu u tagaynaa”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha oo Warbaahintu waxa ka weydiisay dad u dhashay Somaliland oo Dawaladda Jabuuti loo dhiibay ayaa yidhi “Wax Muwaadiinin ah oo Somaliland ah  oo cid loo dhiibay ma jirto,baadhis ayaa jirta,baadhistaasina marka ay dhamaato,qof walba dalka uu u dhashay ayaa xukunkiisa lagu qaadaya, Jabuuti ama Somaliland ama Itoobiya ha ahaadeene”