Madaxweyne Siilaanyo Oo Cabdikariim Axmed Mooge U Magacaabay Wasiir-xigeenka Kaluumaysiga

0
703

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa wasiir ku xigeenka wsaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda u magacaabay Md. Cabdikariim Axmed Mooge, oo ah nin dhallinyaro ah oo ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland ee firfircoon. Waxa kale oo uu madaxweynuhu la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada u magacaabay Maxamed Iid Dhinbiil.

Sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Mr. Axmed Saleban Dhuxul, oo u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2624/072014 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada. 

MADAXWEYNUHU:-  Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan;  Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi-kariin Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 LA-TALIYAHA.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:     Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay In baahi loo qabo buuxinta jagadan; Markuu Ka Fiirsaday:   Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan;  Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Iid Dhinbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.”