Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde ayaa ka hadlay Ciidamada ilaalinayaan Hay’addaha Shidaalka ka badhaaya Somaliland ee Shakiga ku abuuray qaar ka mid ah qaar ka mid ah Wadamad iyo Hay’addaha cilaaqaadka la leh Somaliland,waxaanu Wasiirku tilmaamay in Ciidankaasi ka shaqayn doono oo qudha amaanka goobaha Shidaalka laga qodayo iyo ilaalinta Khubarada ama Shirkadaha baadhaya, waxaanu xusay firkada laga aamisan yahay Ciidamadan aanay waxba ka jirin.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa Shir Jaraa’iid ku qabtay ayaa sidoo kale ka hadlay isla markaana uu ka waramay Diiwaangelinta Doorashooyinka, oo uu sheegay in qalabkii ugu horeeyey ee lagu hawlgali lahaa ay Maantadalka imanayaan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Ciidanka OPU ee Hay’addaha Caalamka iyo ku guddahuba qaylo dhaanta ka bixiyeen,waxaan odhan lahaa waa aqoon la’aan ka haysta Ciidankaas Sababaha loo abuuray,Hadaan faah-faahin ka bixiyo Ciidanka iyo ujeeda laga leeyahay oon wali la abuurin waxa weeyaan in ay ka mid noqon doonaan ciidanka Booliska iyo Ciidanka Qaranka.
1-Ciidanka Boolisku waxa uu leeyahay Hogaamo,Hogaamadaas waxa ka mid ah, Hogaanka Baadhista danbiyada,Hogaanka RRU, Hogaanka ka hortaga Argagaxisada iyo Hogaano kale, oo dhamaantooda hoos yimaada Talisa Booliska Somaliland,waxaana iyada oo ay masuul ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
2-Waxa ay Gaar u noqon doonaan Ciidamadaasi ilaalinta amaanka hawlaha Shidaalka iyo shaqalooda ka hawl galaya soo saarista Shidaalka.
3-Waxa ay noqon doonaan ciidan si gaar ah u tababaran oo hanan kara hawlaha ay Qarankan u hayn doonaan marka laga abuuro.
4-Manaa ah Ciidankani mid loogu talo galay inuu amaan daro ka abuuro Dalalka Dariska la ah Somaliland, gaar ahaan Somaliya, Sida ay ku andacoonayaan Hay’addaha iyo shaqsiyaadka ka falooda arrimaha Geeska Africa,laakiin ay ka muuqato xog la’aan ka haysta sida ay ku heli lahaayeen Warar sugan oo ku fadhiya xaqiiqda, sida ay u warameen Hay’addahaasi waa si aan xaqiiqda ku fadhiyin,oo aad mood in aanay wax war ah ka haynin habka loo sameeynayo Ciidamada”.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa aanu jecel ahay in aanu Dunida u sheegayno Somaliland inay tahay Dawlad jecel Nabada iyo Daris wanaaga, balse u gutan sidii ay dalkeeda iyo dadkeeda u gaadhsiin lahayd horumar iyo barwaaqo, waxaana filayaa warbixintaas aanu ka bixinay OPU inay ku filnaanto dadka raadinaya Wararka ku-tiri ku-teenka ah, sidaas ayaana lagu dhaqan gelin doonaa Ciidanka”.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalilan Cali Maxamed Warancade mar uu ka hadlaayey Diwaangalintii Cod Bixiyayaasha, ayaa waxa uu hadalkiisi ku bilaabay “Dalkeena waxa ku soo fool leh Doorashooyinkii Madaxtinimada Doorashadii Baarlamaanka iyo Doorashadii Madaxweynaha,waxaana loo baahan yahay Diwaangalintii Cod bixiyaashu Codkooda ku dhiiban lahayeen,taasina way rumawday oo Qalabkii Diwaangalintii ayaa Bari (Maanta) qeybtoodii ugu horeeysay dalka soo gaadhi doonaan waxaan odhan karaa waa arin lagu farxo”. Wasiirka Arrimaha Guddaha oo hadalkiisi sii wata ayaa yidhi “Si kastaba ha ahatee Kaadhkaas diwaangalinta lagu galayo ayaa hadii la sameeyo wax badan ka tari doona amaanka wadanka Somaliland”