Cadmaawi Oo Ka Hadlay Xisbiga KULMIYE, Baaqna U Diray Beelaha Isku Haya Baliga Diiriye Guuleed

0
623

Picture4Hargeysa(Geeska)- Cabdilaahi Ibraahim Cilmi(Cabdilaahi Cadmaawi), oo ka mid ah dhallinyarada reer Hargeysa ee falanqaysa siyaasadaha dalka, kana mid ah taageerayaasha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa soo dhaweeyey heshiiskii Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi ee ku dhex maray Madaxtooyada ee soo afjarida Khilaafkii Xisbiga KULMIYE.

Cabdilaahi Cadmaawi oo u waramaayey wargeyska Geeska Afrika ayaa waxaa uu sheegay in  uu si aada u soo dhawaynaayo talaabada uu Madaxweynuhu ku soo gabagabeeyo khilaafkii Xisbiga KULMIYE,waxaana uu ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo in maadaama uu soo afjaray Khilaafkii Xisbiga uu sida oo kale ka shaqeeyo sidii laysagu keeni lahaa hawl wadeenadii kala duwanaa ee Xisbiga si dib loogu dardar galiyo u diyaar garawga doorashooyinka fooda inagu soo haya.

"Aniga oo ah Cabdilaahi Ibraahim Cilmi(Cabdilaahi Cadami),waxaan halkan aan ka soo dhaweynaynaa heshiiskii dhexmaray ama ka dhacay Xarunta madaxtooyada ee Madaxweynuhu uu ku soo gabagabeeyay  Khilaafkii Xisbiga KULMIYE,taasina waa mid aanu soo dhaweynaa Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixina uu isaguna ka hadlay ee uu soo dhaweeyey,waxaa hadaba loo baahan yahay oo aanu jecel nahay in aanu halkan aanu Madaxweynaha u marino in mar hadii ay arintaasina  ay dhamaatay in uu Madaxweynuhuna uu sidii uu Xafiiskii KULMIYE ahaan jiray ahaado,hawshiisii iyo dadkii Xisbiga ee laf dhabarta u ahaa ee Urarada dhalinyarada ee heer gobal iyo heer degmaba sida oo kalena baadi goob loogu gali lahaa sidii loo hagaajin lahaa in Madaxweynuhu uu daba gal ku sameeyo oo ay golaha Wasiirada iyo Xildhibaanadu ay noqdaan kuwo aan laba Xafiis oo KULMIYE ah in ay kala lahaadaan,oo ay lahaadaan Xafiis kaliya hogaan kaliya,waliba hogaankaasi noqdo hogaan kaliya sida muddada doorashada ka hadhay loo helo dadkii iyo taageerayaashii Xisbiga EE muddii Xisbigu khilaafka ku kala dhex jiray kala biiq biiqay,waxaana ay midnimada Xisbigu ay ku iman karta iyada oo la helo kaadariyiintii Xisbiga oo ay laf dhabartu ay tahay waliba Ururada dhalinyarada iyo Haweenka"Ayuu yidhi Md:Cabdilaahi.

Cabdilaahi waxaa uu sida oo kale uu baaq nababeed u diray laba beelood oo walaalaha ah kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ay ka imanayeen warar sheegaya inay is horfadhiyaan, ka dib markii ay isku qabteen Baliga Diiriye Guled ee waqooygia Burco, inkastoo ay wasiiro u gurmaday xaaladda qaboojiyeen. "Waxaan kale oo aan halkan baaq nabadeed uga dirayaa beelaha walaalaha ah ee wada dagan dhinaca bari ee Magaalada Burco ee dhawaan dirirta Colaadeed ka dhextaagnayd ee dhibaata dhuleed ay ka dhextaagnayd ama khilaafka dhuleed taasi oo ay Golaha Wasiiradu ay tageen,waxaan kale oo aan ugu baaqayaa in ay iyaguna ay guurtidu arrinta galaan oo ay qayb lixaad leh ka qaataan daminta Colaadaas oo aan arrintaasi la yaraysan,baaqa ay soo saareen Odayaasha Arabna ee ay u soo saareen sida Wanaagsan ee nabadu ku dheehan tahay baaqa u diray ayaan iyana aad u soo dhawaynayaa,waxaanan ku baaqaya in mar hadii iyada oo aanay jirin Colaad daba dheer oo ka dhaxaysa Labada beelood ay muhiim tahay in si dag deg ah loo soo dhameeyo"Ayuu yidhi Md:Cabdilaahi Cadmaawi.