Ma Dhabaa In Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade U Goostay Magaalada Garowe?

0
569

Picture6Hargeysa(Geeska)-Maalmahan u dambeeyay waxa si weyn u soo baxay warar sheegaya inuu siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, uu u goosanayo dhinaca maamul goboleedka Puntland ee wadanka Somaliya.

Mr. Xaabsade, oo muddooyinkan dambe ku sugnaa magaalada Jigjiga ee ismaamulka Somalida Itoobiya , ayay wararku sheegayaan inuu maalmahan u ambobaxayo magaalada Garowe ee Puntland, ka dib wada hadal dhex maray Xaabsade iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana la sheegayaa in Oday Xaabsade looga diyaar garoobay magaalada Garowe.

Xaabsade, oo Somaliland ku soo noqday sannadkii 2007, si weyna uga qayb qaatay inay Lascanod ku soo noqoto gacanta ciidamada qaranka Somaliland, ayaa wuxuu wasiir u noqday Madaxweyne Siilaanyo, halka uu wakhtigana ka mid yahay la taliyayaasha Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxtooyada Somaliland oo aanu xalay isku daynay inaanu wax ka weydiino wararkan sheegaya goosashada Xaabsade, ayaanay noo suurtogelin.

Xaabsade, ayaa waraysi uu Geeska Afrika baahiyay oo uu bixiyay dhawaan wuxuu ku sheegay inuu qoomamaynayo qabashadii Lascanod ee uu qaybta ka qaatay, isagoo sheegay inaan lagala tashan arrimaha gobalada bari, gaar ahaan gobalka Sool oo uu ka soo jeedo. Waxaanay dadka siyaasadda ka faalloodaa maalintaasba dareemeen isbedelka ku yimid mawqifkii Xaabsade.