Wasiir Toorno Oo Ka Hadlay Xaaladda Warbarashada Iyo Saamaynta Covid_19

0
710

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa ka hadlay xaaladda Waxbarasho ee dalka, waxaanu xusay inay Xukuumad ahaan iyo Wasaarad ahaan ka go’an tahay  horumarinta guud ahaan Waxbarashada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxbarashada iyo Waxbarasho la’aantu wax isku dhaw maaha, farqi aad u weyn ayaana u dhexeeya, maxaa yeelay Waxbarasho la’aantu waa nolol iyo iftiin la’aan, waxbarashaduna waa nolol iyo iftiin, qof waxbartay iyo qof aan wax barana iskuma dhawa isku heer iyo isku meeqaamna ma taagna, ee Xukuumad ahaana waxaa naga go’an in guud ahaan Waxbarashada dalkeena inaanu horumar balaadhan gaadhsiino, si aynu ula jaan-qaadno Waddamada horumaray, waliba Dugsi hoose, Dugsi dhexe, Dugsi sare, ilaa heer Jaamacadeed in waxbarashadeenu noqoto waxbarasho tayo leh ayaanu rabnaa, waxaa kale oo aanu rabnaa in Waxbarashada dalkeena miyi ilaa magaalo inay gaadho, oo aan la helin arday bilaa Wabarasho ah”.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska mar uu ka hadlayey xanuunka koronaha iyo saamaynta uu ku yeeshay Waxbarashada dalka ayaa yidhi “Waa dhab oo xanuunka Covid_19 saamayn buu ku yeeshay Waxbarashadii, maadaama ay Ardaydeena wax barataa ay aad u badan tahay, xanuunkana lagu kala qaadi karo isku soo dhawaanshaha, waxaanu garanay si aynu kaga hor tagno inuu xanuunku faafo inaynu guud ahaan Waxbarashada dalka fasaxno, sidaas darteed wakhtiga ugu soo horeeya ee munaasibka noqdana Waxbarashada haddii ILLAAHAY yidhaahdo waa la bilaabi doono, markaas Ardayda, Waalidiinta iyo guud ahaan Bulshada Somaliland waxaan ku boorinayaa inay aad  uga feejignadaan xanuunka Covid 19”