Faratoon Oo Sidii Loo Doortay Madaxweyne Biixi Gaadhay Laascaanood

0
593

Laascaanood (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa Shalay gaadhay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Wasiir Faratoon iyo Weftigiisa ayaa waxa duleedka Magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay Madaxda Gobolka Sool, kuwa degmada Laascaanood iyo Dadweyne kale, waxaana loo galbiyey gudaha Magaaladaasi.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Dadkii soo dhaweeyay hadal kooban u jeediyay ayaa ka warramay ujeeddada socdaalkiisa Laascaanood, waxaanu yidhi “Aniga iyo Weftiga ila socdaa waxaanu idiinka Mahad-celinaynaa sida aadka u diiran ee niyad-samidu ku dheehan tahay ee aad noo soo dhaweyseen, waxay na siisay dhiiri-gelin, waxayna nagu abuurtay niyad-sami, annaguna sida aad noo tusteen Fayoobaanta ayaanu ku shaqayn doonaa.”

Wasiirku wuxuu sheegay  “Iskamaanu socon, Xaragana nagamay ahayn ee waxaanu u soconay danaha Gobolka, Dadkiisuna waa inay Tashadaan, anigu muddo badan baan idinka maqnaa, sidii doorashadii u dhacday Maanta ayaa iigu horraysa oo ma soo noqonin oo Maantaa iigu horraysa Gobolka, wax kale ugama maqnayn ee shaqadayda iyo wakhtigaa ii saamixi waayay iyo hawlaha Qaran aan u hayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maanta waxa la soo gaadhay wakhtigii loo baahnaa inaynu isku nimaadno, in la tashado, Dadkani Talo ayay u baahan yihiin. Waxaanu Gobolka u nimid inaanu Dadka Talo isugu yeedhno oo la isagu yimaaddo, hadda wax kale oo gaar ah oo weyn oo aanu u soconay ma jirto, waa Dadkan Dantiisa, waanuna joogaynaa inta loo baahan yahay, si danaha la isaga yimaaddo oo laga wada-hadlo..”

Weftiga Wasiirka waxa ka mid ah Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile iyo Axmed Abyan oo ahaa Musharraxii Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID.