Dab Iyo Cadho

37
3647

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 6aad)

Ailes, oo ka mid ahaan jiray saaxiibbada ay aadka isugu dhow yihiin iyo lataliyeyaasha Trump uu sida joogtada ah ugu yeedho, ayaa markii isaga iyo xaaskiisa Beth ay u soo guureen Palm Beach waxa uu rajeeyey in uu waqti dheeraad ah u helo madaxweynaha cusub; waxa uu ogaa in Trump uu qorshaystay in uu si joogto ah u tago Mar-a-Lago oo ku taallay jidka guriga cusub ee Ailes. In kasta oo uu Ailes si fiican uga warqabay in siyaasadda marka laga hadlayo, ay guushu wax kasta beddesho, oo qofka guulaystaa uun uu yahay ka guulaystay, haddana weli waxa uu madaxiisa ka saari kari la’aa runta lama filaanka aan la rumaysan karin ah ee ah in saaxiibkii Donald Trump uu imika madaxweyne ka yahay dalka Maraykanka.

***

Sagaalkii iyo badhkii, oo ah saddex saacadood kadib, xilli cashadan badankeedii la cunayba, ayaa uu Bannon yimi. Bannon oo ahaa saddex iyo lixdan jir, miisaankiisu saayid yahay oo jaakad ka weyn oo aan habaysnayn u xidhnaa shaadh aan ku soo baxay, ayaa ku soo biiray martidii miiska fadhiday, markaasuu isla markiiba la wareegay sheekadii.

Inta uu dhan isaga riixay koob khamri ah oo la siiyey ayaa uu yidhi, “Ma cabbo” kaddib halkaas ayaa uu ka sii dhex muquurtay sheeko iyo faallo toos ah, waxa uu durbadiiba bilaabay warka dunida uu ku socday in uu la wareego.

“Waxa aanu doonaynaa in aanu toddobada maalmood ee soo socda u hawgalno sidii aanu u soo dhamaystiri lahayn soo helidda xubin kasta oo ka mid noqonaysa golaha wasiirrada, annaga oo la kulmi donna si aanu uga qaadno aqbalaadda” ayaa uu yidhi Bannon isaga oo hoosta ka xariiqay in ay xubnahaas ka soo xulan doonaan ganacsatada iyo mialterigii shaqaynayey 1950-naadkii. “Tillerson isaga waa laba malamood [Kulanka lala yeelanayo ka hor inta aan la magacaabin], halkii kulanba waa laba maalmood, Mattis isna waa laba maalmood …” ayaa uu yidhi Bannon oo ka baydhay, in uu sheego kulanka lala yeelanayo ‘Ninka waalan’ ee Mattis, oo ah janaraalka afar xiddiglaha hawlgabka ah ee uu Trump u magacaabay xoghayaha difaaca. Waa nin in badan lagu xamanayey in uu taageersanaa jidh dilka baadheyaashu u isticmaalaan eedaysanayaash. Bannon waa uu sii socday oo haddana waxa uu u yimi Michael Flynn, oo loo magacaabayo lataliyaha amniga qaranka. Flynn oo ah janaraal uu xiiseeyo Trump waxa u fure u ahaa in badan oo ka mid geeddigii Trump soo galay.

“Waa nin fiican. In kasta oo aanu la mid ahayn Mattis iyo John Kelly … laakiin waa uu fiican yahay. Waxa uu keliya u baahan yahay in uu gacanyareyaal fiican isku xeero.” Ayaa uu weli ku sii andacoonayey Bannon. Waxa aanu intaas ku sii daray, “Marka aad eegto dhammaan raggii lahaa Trump yaan mansabkan loo dooran, ee warqaha saxeexayey iyo dhammaan raggii muxaafidiinta cusub ahaa [Garab ka mid ah xisbiga Jamhuuriga] ee dagaalkaas oo dhan na geliyey … ma’aha xulasho lagu soo helay dad aad u sii ridan”

Bannon waxa uu sheegay in uu isagu riixayey in madaxweynuhu uu xilka lataliyaha amniga qaranka u magacaabo diblumaasiga gorgorka ah ee John Bolton, oo uu sida oo kalana xiisaynayey Ailes, “Waa nin bambo qarxiye ah, [Nin muranka iyo rabshadda bilaaba]” ayaa uu yidhi Ailes. Isaga oo intaas ku sii daray, “Waa maangaab aan caadi ahayn. Laakiin waa aad u baahan tihiin. Yaa kale ee isaga Israa’iil u dhaama? … Flynn isagu waxa uu ku yara waalan yahay Iiraan. Tillerson, ninka loo magacaabay xoghayaha arrimaha dibaddu, isagu waxa uu yaqaannaa ganacsida shidaalka oo keliya.” Ayaa uu yidhi Ailes.

“Bolton shaarubihiisa ayaaba mushkilad ah,” Bannon ayaa ereyadaas hoos ugu guuxay. “Trump ma’ aaminsana in Bolton uu hawshan qayb ka noqon karo. Waad ogtahay Bolton waa dadka barasho horteed la naco” ayaa uu yidhi Bannon.

“Laakiin waxaa suuqa ku jirta in sababta aanu Trump u doonayn ay tahay in la arkay isaga oo habeen hudheel ku dhex dagaalamaya iyo isaga oo dumar baacsanaya” Ayaa uu yidhi Ailes.

“Haddii aan Trump u sheego taas, waxa aan is leeyahayba shaqada waa uu siinayaa”

Ailes waxa uu moodayey in sababta Trump ninkan u diidanyahay ay tahay dhaqan xumo dhinaca dumarka ah iyo anshax darro lagu sheegay, laakiin Bannon waxa uu taas kaga jawaabay in Trump aanu dhaqankaas kuba naceen ninkan, oo haddii uu ogaan lahaa in uu yahay nin sidaas dumarka ugu dheereeya uu dooran lahaaba.

Bannon waxa uu ku guulaystay in uu is jeclaysiiyo Trump, isaga oo haddana sheegaya in aanu u arkayn nin ay ka dhab tahay doorashadu. Markii koowaad waxa uu la kulmay markii uu ku calool adaygi la’aa murashaxnimada tartarnkii doorashada ee sannadkii 2010 ka; shir ay waqtigaas ka dhacay sarta dheer ee Trump oo uu ka qaybgalay, ayaa uu Bannon Trump u soo jeediyey in uu bixiyo Nus Milyan doolar oo uu sida xisbiga Tea Party ku maalgelinayo murashaxiin, si uu u sii xoojiyo damaciisa madaxweynenimo. Laakiin Bannon waa uu iskaga tegey shirkaas, kadib markii uu fahmay in Trump aanu weligiina arrintaas oo kale lacag ku bixinayn. Marka aynu soo koobno waxa uu arkay in Trump aanu ahayn qof si dhab ah u dagaal gelaya. Intii u dhexeysay iska hor imaadkaas koowaad iyo badhtamihii bishii siddeedaad ee 2016 ka, oo ahayd markii uu la wareegay maamulka ol’olaha Trump, Bannon, marka laga tago waraysiyo kooban oo uu Trump kula yeeshay barnaamij ka baxa idaacaddiisa Breitbart, lama uu yeelan kulan toos ah oo ka badan toban daqiiqo.  Laakiin imika xiddigiisii ayaa soo baxay. Meel kasta oo dunida ka mid ah, waxaa ka soo shaac baxay kala shaki iyo madmadow. Ingiriiskii waxa uu ka baxay Midowgii Yurub, mawjado dad tahriibeyaal ah ayaa soo gaadhay xeebaha Yurub, dafiraaddii xuquuqda shaqaalaha ayaa timid, korodhka cabsidii laga qabay dhaqaale burburka dunida, Aargoosigii libaraaliyadda ee uu waday Bernie Sanders, oo xisbiga dimuqraaddiga dhexdiisa uga tartamayey murashaxnimada madaxweynaha. Meel kasta cadho siyaasi ah ayaa ka soo yeedhaysay. Xitaa dadkii u go’ay u ol’olaynta carro-edegeynta ayaa walaac galay.

La soco…………..

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here