Wasiir Sacad Oo Si Cad Uga Hadlay Dib U Dhaca Ku Yimid Maamulka Dp World Ee Dekedda Berbera

0
889

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inuu dib u dhac ka muuqdo maamulka shirkadda DP World ee lagu wareejiyay dekedda Berbera.

Wasiirka, oo u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV, wuxuu sheegay in shirkadda DP world ay Berbera u soo dirtay wefti culus oo eegaya eedaha shirkadda DP world ee Berbera, “Heshiis ayaynu la galnay shirkadda DP world, laba weji ayuu lahaa heshiiskaasi midi wuxuu la xidhiidhayay dekedda qalabaynteeda iyo balaadhinteeda iyo maamulkeeda, midna free zone ama suuqa xorta ah, suuqii xorta ahaa weli wuu socdaa arrinkiisii laakiin dekedda maamulkeedii waynu ku wareejinay si fiican ayay u socotaa, laakiin waxa jiraa dib u dhac, kaas oo ka yimid xagga maamulka, iyada laftigeeda qalabkii loogu tallo galay inuu xilligan yimaado ee lagu xoojin lahaa adeega laguna wanaajin lahaa; dib u dhac ayaa ku yimid, laakiin mushkilada ah maraakiibtii oo daahaysa inta badan waxay ka timid xagga maamulka, waxaanan rajaynaynaa in la saxo, hadda wefti balaadhan ayaa DP world ka jooga Berbera oo arrinkaas u yimid, anaguna wax badan ayaanu kala hadalnay oo aanu ku dabo galaynaa, waxaanan rajaynaynaa in la saxo.” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiirka oo la hadlaya siyaasiyiinta Somaliland ee taga Muqdisho marka xilalka laga qaado wuxuu yidhi “Runtii waan ka xumahay waanan uga digayaa dadka reer Somaliland ee halkan masuuliyiinta ka ahaan jiray amaba aan xilal ka hayn jirin  ee dalkoodii iyo sharaftoodii iyo qaranimadoodii mansab ama maal siistay aad baan uga xumahay waana arrin aan jecelahay in looga diog hadday dhallinyaro tahay iyo hadday siyaasiyiin tahay.”