Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Mucaawinada Somaliland La Siiyo

0
613

London, (Geeska/Guardian)- "Waxaan ka helaa labaatan ganbo, halkii Dollar ee mucaawimo ahba,” sidaas waxa yidhi Wasiirka qorshaynta Somaliland  Dr, Sacad Cali Shire, waxaanu raaciyay  "Mucaawimadu gacmo badan ayey soo maraan, waa sida jalaato (ice cream) la isu gudbinayo, waxuu na soo gaadhaa isagoo dhalaalay, wax weyn nama soo gaadhaan. Waxaan rajeynaynaa in kharashka horumarinta ee $979m galaan halkii loogu talogalay,”

Maqaal dheer oo wargeyska Guardian ka qoray natiijada uga soo baxday Somaliland shirkii London iyo shir lagu qabtay London oo lagaga hadlay maalgashiga Somaliland, ayuu wargeysku ku bilaabay lagu bilaabay, “Inkastoo mawjado xasilooni daro haystaan Soomaaliya, jamhuuriyadda aan la aqoonsan ee Somaliland ayaa ka faa’iidaysa xasiloonida ay ku naaloonayaan.

Shirkii dhowaan ku dhamaaday London ee Arrimaha Soomaalida, garowshiiyo ayaa uga soo baxay Somaliland. Waxaa lagu sheegay warmuriyeedkii in la soo dhoweeyo meelaha xasiloonidu ka jirto, lana kordhiyo gargaarka dhismaha maamulkooda iyo sare u qaadka kaabayaasha bulshadooda,”

Waxay ahayd horumar siyaasadeed lafteedu in Madaxweynaha Somaliland, Axmed M. Mohamoud (Siilanyo), ka soo qeybgalo shirka London. Sida warmurtiyeedku tilmaamayo Ingiriiska ayaa qorshaynaysa kordhinta taageerada ay siinayaan Somaliland. Hay’ada gargaarka caalamiga (DfID) ayaa qorshaynaysa inay ku bixiyaan  

Somaliland way u baahan tahay dhaqaalaaa. Qorshaheeda horumarineed 2012 ilaa 2016 ayey ku baxaysaa kharash gaadhaya $1.19bilyan. Xukuumada Somaliland ayaa la filayaa inay diyaariso $74milyan, ganacsiga gaarka loo leeyahay $132m, qurba-jooga $4m, laakiin, boqolkiiba laba iyo sideetan kharashkaa waxa laga filayaa in mucaawimo looga helo beesha caalamka.

"Marka la eego dhaqaalaha xadidan ee xukuumadu hesho, iyo jiritaan la’aanta bangiyo amaah bixiya, kharashka dhaqaalaha looga baahan yahay horumarinta qaranka waxa laga filayaa mucaawimooyinka dibeddaha,” ayaa lagu sheegay qorshahaa. Meelaha kharashkaa looga baahan yahay waa dhaqaalaha, kaabayaasha, maamulka, deegaanka iyo nolosha bulshada. Inta badan kaabayaasha waxa looga dan leeyahay in lagu dayactiro wadooyinka burbursan ee Somaliland.

Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Dr Saad Shire, ayaa warbixin guud ka siiyey in badan oo baarlamaanka Ingiriiska ka kooban oo uu hogaaminayey xildhibaan Alun Michael arbacadii. Fariintu waxay ahayd in Somaliland u furan tahay ganacsiga. Dr. Shire ayaa tilmaamay in Somaliland ku taalo meel u furan suuqyada barriga Afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo suuqyada barriga dhexe iyo Aasiya, oo ahaan karta dalka ugu haboon ee la gelo karo maalgashiga dibedda.

Maalgashedayasha dibeddu wax cashuur ah ma bixin doonaan saddex sannadood, ka dibna waxay bixin doonaan boqolkiiba toban faa’iidadooda. Waxaana xilligan mar horeba maalgashi ku sameeyey Somaliland  Coca-Cola, Western Union iyo Nubian Gold.

Fikrad aad loo qaatay ayuu wasiir Shire u sheegay dadkii kulanka joogay oo ahayd in qurba-joogu siiyaan xukuumada 1 dollar marka ay lacagaha u soo dirayaan dadkooda oo lagu qiyaaaso  inta u dhexeysa $300m ilaa $400m sannadkii. Dad badan oo shirkaa fadhiyey ayaa ku yaboohay inay bixin doonaan in ka badan hal dollar, halka  Quman Jibril Akli, oo ka socotay ururka Somaliland Focus UK, ay cadeysay in 1 dollar ee taageerada ah laga dhigo qasab bixintiisa.

Dhinaca gargaarka, aqoonsi la’aanta Somaliland, waxay keentay in gargaarku soo maro hay’adaha qaramada Midoobay halkii xukuumadu toos ugu heli lahayd, waxuu Shire cadeeyey in badi gargaarku ku danbeeyo gacmo khaldan wakhti khaldan, inkastoo lala tashado.

Waxuu sheegay inaanay gargaarka helin ilaa dad dhimanaya lagu arkin shaashadaha telefishanada. "Sannadkii hore waxaan codsanay kharash aan ku qodno 12 haro, oo midiiba ku baxayso $400,000, si aaan wax uga qabano abaaraha, oo ugu yaraan biyo loo helo,” ayuu yidhi. “Laakiin, beesha caalamku ma aqbalin inay dhaqaalahaa na siiso, dhabtii khalad ayey ahayd, waana waxa ka xun gargaarka,”

Si aan awood buuxda ugu yeelano halka iyo sida aan u kharashgaraynayno lacagta, Somaliland waxay abuuraysaa account dhaqaalahaa ku dhaco oo ilaa September socday, oo dhaqaalaha ugu horeeya ay ku soo shubi doonaan dalalka Ingiriiska iyo Denmark oo bixinaya 20 Milyan, annagoo wadamada kalena rajaynayna inay ku deydaan.

"Waxaa naga soo gaadha labaatan ganbo halkii dollar ee gargaar ah,” ayuu Dr. Shire cadeeyey. “gargaarku waxuu soo maraa gacmo badan, waa sidii jalaato (Ice cream) la isu dhiibayo, laakiin marka ay marayso dadkii loogu tallogalay, waxuu soo gaadhaa isagoo dhalaalay, wax badana ma helaan. Waxaan rajeynaynaa in kharashka horumarinta ee $979m galaan halkii loogu talogalay.”