Wasiir Sacad Cali Shire Oo Xaqiijiyay Wada Hadalada Somaliland Iyo Khaatumo

0
417

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa xaqiijiyey war uu shalay Wargeyska Geeska Afrika baahiyey oo ku saabsan Shir ka dhacaya Magaalada Adisababa oo ku dhexmaray Khatumo iyo Somaliland, waxa kale oo uu Wasiirku xaqiiqo ku tilmaamay  Safar uu ku tagayo maanta dalka Imaraadka, waxaanu sheegay in safarkiisani la xidhiidho arimiha Dekada Berbera iyo Shirkada DP World.

1

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey Shirka ka dhacayaAdisababa, wakhtiga uu Shirku dhacayo, socdaalkiisa Imaraadka iyo wuxuu la xidhiidho ayaa ugu horayn isagoo ka hadlaya shirka Khaatumo iyo Somaliland wuxuu yidhi “Haa waa dhab Shirkani wuu jira,  wuxuuna Shirkani ka dhici doonaa Magaalada Addis Ababa, heshiisyo ayaa la sugayaa, oo wali hawlihii ka horeeyey shirka ayaa socda, wakhtiga uu Shirku dhacayana  wali lama cayimin”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay ujeedada safar uu ku tagayo dalka Imaraadka iyo wakhtiga uu tagayo ayaa yidhi “Waa dhab oo anigu dalka Imaraadka ayaan tagaya, oo waxaan tagayaa beri (maanta), waxaanu safarkani ku saabsan yahay ama daba socdaa oo uu la xidhiidha safaradii hore aanu ugu tagi jirnay sida hawlihii Dekadda ee DP World, waxa kale waxa jira Guddi ka socota Guddida Abaaraha, safarkana waa ka qayb sidii wax loogu qaban lahaa dadkeena abaartu hayso”.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu mar uu ka hadlayey  Madaxweynaha cusub ee ayaa yidhi “Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ka Somaliland ahaan weynu soo dhawaynaynaa, isaga iyo Madaxda kale ee Caalamkaba waxaan kula talinayaa in khilaafaadka ka jira Caalamka sida xuquuqul isaanka iyo bini-aadanimada in la dhawro, waxaana Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ka rajaynaynaa in isagu laftiisu uu ilaaliyo xuquuqaha caalamiga ah iyo nidaamka caalamiga ah ee jira, oo uu walibana garawsado gooni isutaaga, madax banaanida iyo aqoonsiga Somaliland, oo aanu Somaliya nagu khaldin, taas oo aqoonsiga Somaliland Caalamka oo dhani dani ugu jirto,waxaana dawladdaha Caalamka oo dhan ugu baaqaynaa oo uu ku jiro Mareykanku in xaqa ay Somaliland leedahay ee ay u leedahay   inay noqoto dalka la aqoonsan yahay oo Caalamka ka mid ah in aanay kala ma suugin, ee ay ka garabaan horumarka dhinaca kasta leh ee ay Somaliland ku dalaabsatay”.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu mar uu baaq u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Muhiimadeena kowaad Nabada ee waa inaynu Nabadeena ilaashana,Qaranimadeena ilaashana, walina abaartii wey jirtaa, oo meelo badan oo aanu Roobkii ka da’in ayaa jira, waxaana Bulshadeena kula talinayaa in dadkeena dhibaataysan ILLAAHAY dhibta iyo abaarta ha ka dul qadee in aan loo kala hadhin oo wax la taro, oo aan waxba lagala masuugin”.