Cirro Oo Aqoonyahan Reer Hargeysa Ah U Magacaabay Inuu Noqdo Chief Of Staff

0
508

Hargeysa(Geeska)-Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa aqonyahan Baashe Yuusuf Axmed, u magacaabay inuu noqdo Chief of staff-ka murashaxa madaxweyne ee xisbigaas.

1

Md. Cirro, ayaa qoraal uu xalay soo saaray wuxuu ku sheegay in Baashe Yuusuf Axmed uu noqon doono

Madaxa hawl wadeenada ee musharaxa xisbiga Waddani oo ah Chief of staff.

Baashe, ayaa ka soo jeeda caasimada Hargeysa ee gobalka Maroodi-jeex, waxaanu ka mid yahay dhallinyarada reer Hargeysa ee aqoonyahanka ah, waxaanu agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha bulshada iyo shaqada noqday xukuumadii u horaysay ee uu Madaxweyne Siilaanyo dhisay, isagoo xilkaas iska casilay ka dibna waxbarasho u tagay jaamacad Ingiriiska ku taala.