Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ka Hadlay Halka Uu Ku Dambeeyay Saamigii Itoobiya Laga Siiyay Dekedda Berbera, Kana Hadlay Doorashada

0
811

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, waxaanu tilmaamay inay Doorashadani sharafta Somaliland kor u qaadayso, waxaanu xusay in goob joogayaal badan oo ka kala socda Caalamku inay iman doonaan Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay halka uu ku dambeeyey saamigii ahaa 19%, ee Dalka Itoobiya laga siiyey Dekadda Berbera, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Doorashada “inay Doorashadu inoogu dhacdo si nabadgalyo ah, waxay Somaliland u tahay sharaf, oo sharafteena iyo magaceena ayey kor u qaadaysa, oo waxay muujinaysa bisayl siyaasadeed, waxaana loo baahan yahay in halkaas laga sii wado, isla markaana la dhawro nidaamka ay Guddida Doorashooyinku inoo dhigeen, oo ha la ilaaliyo nidaamka iyo nabadgalyada, iyadoo cid waliba taageeraysa Xisbigeeda”.

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka iyo Doorashada ayaa yidhi “ Caalamku wuxuu indhaha aad iyo aad ugu hayaa habsami u socodka Doorashada Somaliland, ilaa iyo maalinta ugu dambaysa ee ay Doorashadu dhacayso, inagoo maanka taas ku hayna,waa inaynu xaqiijinaa himilada dadkeena ee ah inay doortaan Madaxweynahooda, una doortaan si ay ku jirto wadanimo iyo adkaynta nabada”

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka iyo doorka ay ku leedahay Doorashada Somaliland ayaa yidhi ‘Doorashadan oo kaliya maaha, ee Beesha Caalamku wax wey bay inagala qabatay Doorashooyinkii hore oo dhanba, dabcan Doorashadani wey inagu daba dheeratay oo dhawr jeer baa dib loo dhigay, taas oo kharashaad dheeraad ah oo aad u fara badan ay Dawladdeenu xanbaaratay, laakiin wali Caalamku wuu ina taageera, oo Doorashada goob joogayaal badan baa ka iman doona, iyagoo qiimaynaya Doorashadeena, haddii ALLE ka dhigana Doorashadu si fiican bay inoogu dhici doontaa”.

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Doorashadii ka dhacday Kenya iyo waxay Somaliland ka baratay ayaa yidhi “Somaliland; Kenya oo qudha maaha, ee Geeska Afrika iyo Caalamka oo dhan tusaale ayey u tahay, oo waxaynu nahay Wadan yar oo aan la ictiraafsayn, oo ku dhaqmay nidaamka Dimuqraadiga, oo inagoo soo galay shan Doorasho oo tii lixaad isku diyaarinayna, oo wali wax dhibaato ah kamay iman, Doorashadana waa Doorashadii ugu horeeysay ee Musharixiinta dood loo qabto, doodana waxay taariikh u tahay guud ahaan Wadamada Afrika, sidaynu ku soconaana waxay oo arin kor u qaaday sumcada iyo magaca Somaliland, insha allaahna waxaan rajaynayaa inay Doorashadeenu ay inoogu dhammaato wanaag iyo nabad”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay halka uu ku dambeeyey khilaafkii cakirnaa ee  Dekadda Berbera ayaa yidhi “Hawshii Dekaddu si fiican bay u socotaa, oo Doraad baan soo maray Dekadda, oo waan la kulmay maamulka iyo shaqaalaha, qalab badan baa la keenay, qalab badana wuu soo socdaa, waxa jirtay in xilligii xagaagii inay Ganacsatadu kala kulmeen dhibaatooyin fara badan, balse imika dhibaatooyinkaas waa la xaliyey, oo hadda meel wanaagsan bay maraysa”.

Mar aanu wax ka weydiinay halka uu ku dambeeyey saamigii Itoobiya laga siiyey Dekadda Berbera ayaa ku jawaabay “Arinkaasi wali wuu socdaa, oo wali ma dhammaanin, go’aan waa laga gaadhay in Itoobiya saamiga qayb laga siiyo, laakiin  waa qabyo oo wali ma dhamaanin. Sababta Itoobiya saamiga loo siinayaa waxa weeye, inay Itoobiya tahay suuqa ugu weyn ee Dekadeena isticmaali doona insha allaah, Itoobiyana waa wadan weyn, oo maaliiyin qof baa ku nool, badna ma leh, Dekadda Jabuuti bay isticmaasha, laakiin Dekaddo kale ayey u baahan tahay, Dekaddeenuna waa ka mid, markaas waxaynu doonaynaa inay badeecada ay dhoofinayaan iyo ta ay soo dhoofsanayn inay labaduba Dekaddeena soo maraan”.