Guddiga Doorashooyinka Oo Soo Saaray Amaro Cusub Oo Wax Lagaga Bedelay Qorshaha Ololeyaasha Xisbiyada Qaranka

0
843

Hargyesa(Geeska)-Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay inay wax ka bedel ku sameeyeen qaabkii ololayaasha ee xisbiyada, ka dib khaladaad soo baxay.

Mr. Iimaan oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa wuxuu soo saaray go’aan ah in ololuhu bilaabmi doono lixda subaxnimo, dhammaan doonana lixda galabnimo, halkii uu hore uga bilaabmi jiray lixda galabnimo. Laakiin xisbiyadu waxay habeenka ay ololaha u leeyihiin shirar iyo kulamo ku qabsan karaan hoteelada iyo xafiisyadooda.

Isagoo arrimahan ka hadlaaya wuxuu yidhi “Xeerka doorashada madaxtooyada xeer lanbar 20/2001-dii qodobkiisa 33-naad ee u fasaxaayay xisbiyada inay wakhti go’an olloleeyaan, waxaanu wax ka badalnay markaanu aragnay in saddexdii habeen ee ina soo dhaaftay ay anshax xumo aan loogu talo galin ay dhacday, socod aan loogu talo galin uu dhacay waxaanu soo rognay in xisbiyadu ay ku diyaar garoobaan habeenkii si ay subaxa ollolahooda u sameeyaan wakhtigaas oo caawa ay Ucid ku diyaargaroobayso, waxa weeyaan sideeda habeenimo laga bilaabo ilaa tobanka habeenimo xisbiga beri leh ollolaha diyaar garow ayaa loogu talo galay ah gudaha xafiisyadooda iyo hudheelo haday ku qabsanayaan, looguma talo galin laga bilaabo lixda galabnimo in dhaqdhaqaaq xisbi oo danbe aanu aragno oo magaalada rabshaaya, oo dhakhtarada dadkii xanuunsanaayay wareerinaaya oo laga tukan kari waayay masaajidadii oo suuqyadii laga adeegsan kari waayay, waxaanu arkaynaa in ganacsigii xidhmay oo dadkii xataa la boobay.”

Cabdiqaadir Iimaan guddoomiyaha komishanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”xisbiga bilaabaya wareegii labaad oo Ucid ah waxa uu ka bilaabmi doonaa ollolhu lixda subaxnimo ilaa lixda galabnimo, lixda galabnimo laga bilaabo lama ogola. Sideeda ayaa xisbiga kale ee ku xiga Ucid oo ah Kulmiye uu bilaabayaa diyaar garowgiisa oo tobanka habeenimo ayuu dhamaynayaa xafiisyadooda ama hudheelada ay wax ku qabsanayaan dhexdooda ayay isugu imanayaan calamadooda ayay ku diyaarsanayaan dhaqdhaqaaq dibada ah oo calan la qaato lama ogolaanayo, hala joojiyo waa digniin weyn, waxaanu jananka u sheegnay in baarbuurta waxii sideeda habeenimo ka danbeeya aan hoon la ogolayn, baabuurna la ogolayn in toban qof lagu fuulo, oo aan la ogolayn in socod saa’id ah wadooyinka magaalooyinka gudahooda lagu maro. waxaas oo dhami way ka reeban yihiin waxii lixda habeenimo ka danbeeya.”

ugu danyntii waxa uu guddoomiyuhu hadalkiisa ku soo gunaanaday”xisbiyadu way ka badbadiyeen oo

taageerayaashoodii may xakamayn, waxaanu idinka codsanaynaa inaan isku nimaadno oo ka wada shirno aynu inaga oo gacmaha is haysana aynu anshaxana ilaalino, diintana ilaalino ollolahaasina sida loogu talo galay uu ku dhamaan lahaa.”