Reer Buhodle Oo Ka Hoos Baxay Khaatumo

0
547

imagesBuhodle(Geeska)-Odayaasha dhaqanka, wax garadka, culimada iyo maamulka degmada Buhodle, ayaa isla qaatay inay ka hoos baxaan kooxda Khaatumo islamarkaana ay qaataan nabadgelyada ay dawladda Somaliland mudada ku baaqaysay.

Maayarkii kooxda Khatumo u qaabilsanaa magaalada Buhodle Mr. Kayse Maxamed Xaaji Cali, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay kooxda Khaatumo, oo uu ku eedeeyay inay ka horyimaadeen go’aan nabadeed oo ay qaataan odayasha iyo wax garadka Buhodle oo la xidhiidha colaada deegaanadaas ka aloosan. “Isimo iyo cuqaal reer Hargeysa ah ayaa culimadii iyo aqoonyahanadii iyo cuqaashii reer Buhodle la soo hadlay oo yidhi waxaanu doonaynaa inaynu waan waan nabadeed si wada jir ah u wada galno,.” Ayuu y idhi Maayarku oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Buhodle, waxaanu intaas raaciyay “Arrintaas garabkii reer Buhodle way ka aqbaleen, ka dibna maamul ahaan ayay noogu soo bandhigeen, aniguna maayar ahaan arrintaas waan aqbalay waayo baahida nabadeed ee Buhodle ka jirta ayaan ogahay. Maamulkii sare [Khatumo] markii loo gudbiyay waxay istaageen Buhodle iyo Lascanod inay Somaliland isku maalin ka baxdo mooyee si kale lama aqbalayo, nabadaasina suuroobi mayso oo lama aqbalayo.”

Isagoo ka  sii hadlaya go’aanka nabadeed ee ay qaateen wuxuu yidhi “Meeshii Kalshaale ee uu dagaalku ka bilaabmay haddii weli la isku horfadhiyo intaana dad dhimanayay oo ay hantiyi ku burburaysay oo imikana Somaliland uu gartay in nabad la qaato oo si nabadgelyo ah uga baxaan oo uu culimadiisi iyo wax garadkiisii iyo isimadiisii wakiishay, sabab aanu uga hornimaadno oo dadka dagaal ugu socdo oo aanu u nidhaahdno Lascanod ayaanu ku xidhanahay ma jirto.”

Kayse wuxuu sheegay inay odayaashiisu culays ku saareen inuu xilka iska casilo, “Arrinta kale ee keentay is casilaada waxa weeye culays xoog leh oo iiga yimid beeshayda waayo waxaad ogtihiin hadday noqoto madaxdhaqameedka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka, dhammaan beeshaydu gebi ahaanba may qaadan mabaa’diida khaatumo.”