Wasiir Khaliil Oo Beeniyay War Ay Masuuliyiin Dawladda Somaliya Ka Tirsani Ka Faafiyeen

0
499

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa beeniyay inuu wax kulan ah madaarka Hargeysa kula yeeshay wefti ka socday dawladda Somaliya oo iyagoo Xajka ku sii jeeday Taranaasit ku noqday madaarka Hargeysa.

1

Weftigaas dawladda Somaliya ayaa barahooda bulshada ku baahiyay inay kulan madaarka Hargeysa kula yeesheen Wasiir Khaliil. Hase yeeshee Sheekh Khaliil ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada weftiga Somaliya, waxaanu Wasiir Khaliil oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa uu yidhi  “War ka soo baxay xubno ka tirsan dawladda Somaliya oo saxafiyiin iyo oday dhaqan isugu jiray oo madaarka Hargeysa ku soo maray taransit iyagoo ku sii jeeday xajka, ayaa khamiistii anoo xujaaj reer Somaliland ah oo baxayay ugu tagay sagootin, waxaan madaarka ku arkay xujaaj ka timid Somaliya oo u baxaysay xajka, laakiin qaabkay u dhigeen oo ah inaanu soo dhawaynay aniga iyo wasiiro kale oo aanu sheekaysanay, wax ka jiraa ma jiraan, waana arrin si khaldan ay uga faa’iidaysteen.”

Wasiir Khaliil oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanu madaxweynuhu noo dirin, wefti soo dhawaynayayna aanaan ahayn, siday u dhigeena aanay ahayn.”

Wasiirku wuxuu ugu dambayn ku dooday in sawirada uu ka muuqday isagoo weftigaas salaamaya ay ahayd salaanta islaamka balse aanay wax kale wehelin.