Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Beelaha Sanaag Ku Dagaalamay Iyo Muranka Waqooyiga Hargeysa

0
520

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida  Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay Deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel af Weyn, ee dhexmaray labada Beelood ee walaalaha  ah ee Deeganaaska wada dega, waxaanu ugu baaqay in nabada qaatan oo colaada ay soo afjaraan,

1

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan oo Warbaahinta u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay deeganaada Waqooyiga Gobolka Maroodijeex ee muranka ka taagan yahay, waxaanu ku taliyey in wixii dhib ah ee halkaas ka dhalan kara la joojiyo, oo lagu dadaalo nabada, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya  “Wixii dhintaa way inaga wada dhinteen intii inaga dhimatay ALLE naxariistii Jano ha ka waraabiyo intii dhaawacana ALLE ha caafiyo waxaan leenahay dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, sida la wada socono Dawladda ayaa gacanta ku haysa arintan waxaan ALLE Ka Baryaya in uu ku guuleeyo ladqabaha ay Dawladdu ka wado deeganadaasi.

Gudoomiyaha Guurtida ayaa mar uu ka hadlaayey Deeganaada Waqooyiga Maroodijeex ee muranku ka taagan yahay ayaa yidhi“ Deegaanadaasi buunbuunin badani way Ka jirtaa niman leh ciidamo ayaanu ururinaynaa waan maqlayay labada dhinacba  ma sii ridnaan qabaa Lakiin ALLE ha inaga qaboojiyo wixii talo ahna kala hadhi mayno ee aan wada dadaalo”.