Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Si Dadban Uga Jawaabay Hadal Dr. Gabose Ku Soo Jeediyay In Dhalinyarada Laga Jebiyo Derbiga Siyaasada

0
518

 

DSC01715Hargeysa(Geeska) – Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Md. Axmed Xaashi Oday ayaa si dad ban uga jawaabay baaq uu Wasiirkii hore ee daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Gabose, ku soo jeediyay in la jebiyo derbiga dhallinyarada ka  hortaagan ka qayb galka siyaasadda dalka.
 
 
Dr. Gabose, ayaa wuxuu sheegay in derbigaasi yahay qodob ku jira xeerka doorashooyinka oo dhigaya in da’da doorashada golaha deegaanka lagaga qayb geli karaa tahay 35 jir, kaas oo ay dhallinyaradu in badan ku talisay in wax laga bedelo.
 
Qodobkaas uu Dr. Gabose taabtay ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyay dhallinyarada dalka, waxaanu Wasiir Xaashi shalay kaga jawaabay xaflad ay jaamacadda ADMAS u qabatay arday qalin jebisay, “Dhallinyarada Somaliland ee Jaamacadaha ku jirta ama ka baxday waa dhallinyaradii isbeddelkan iyo dawlad nidamadan cusub waa dadkii keenay, had iyo goor waxa muhiim ah markaad xilka hayso inaad waxa jira ee yaala jira qirto, balse markaad ka tagto waxba ma faa’iidaynayso waxaad tidhaahdaa.” Ayuu yidhi Axmed Xaashi Oday,
 
waxaanu intaas raaciyay “Anigu waxaan leeyahay Golaha Wasiirrada Jamuuhiradda Somaliland waxay ansixiyeen siyaasadii ay dawladdu kula shaqayn lahayd dhallinyarada, qodob runtii laga cawday oo aan telefishanka ka maqlaayey wuxuu ahaa inay shan iyo soddon noqtaa, dhallinyarada waxa la sheegay in markay 25 jir yihiin in ay masuuliyad qaadi karaan, siyaasadda dawladdu saxeexdayna waxa ku qoran 25 jir, haddii uu degaan ku helaayo iyo haddii uu barlamaan ku helaaya qiimaynta la socotaa waxa weeye khibaradiisa waxa u weheliya aqoontiisa, waxa jira qof 25 jir ah oo jaaniskan aad hesheen aan helin, kaana la odhan maayo haka qaybgalo.”