Qarax Sababay Geerida In Ka Badan Boqol Ruux Oo Muqdisho Ka Dhacay, Xaalada Ardayda Reer Somaliland Iyo Al-Shabab Oo Baahisay Magaca Ninkii Is Qarxiyay

0
615

 

610x (3)Muqdisho(Geeska) – Waxa shalay magaalada Muqdisho ka dhacay qarax aad u weyn oo sababay geerida in ka badan boqol ruux oo Somali ah.
 
 
Qaraxaas ayaa ka dhacay xarun ku taala deegaanka Nambar Afar ee Muqdisho oo ay degenyihiin dhawr wasaaradood, waxaana qaraxa loo adeegsaday baabuur ah nooca loo yaqaan iska rogada oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa iyo biro badan. Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah ayaa baahiyay in qaraxaasi sababay dhimasho tiro badan iyadoo ay goobta yaalaan maydad tiro badan oo aan la aqoonsan karin maadaama oo ay gubteen. Waxaana qaraxaas lagu tilmaamay mid argagax lahaa oo gaystay khasaare baaxad leh.
 
Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Somaliya ayaa sheegatay qaraxaas, waxaanay sheegtay in hawlgalkaas lagu dilay in ka badan boqol askari oo ka tirsan ciidamada dawladda Sheekh Shariif oo ay sheegeen in tababar nabad sugidda ah lagu soo siinayay dalka dibadiisa. Dawladda Sheekh Shariif ayaa iyaduna si xoogan u dhaleecaysay qaraxaas oo ay sheegtay inay ku le’deen arday iyo dad kale oo shicib ahi,waxaana la sheegay inuu qaraxaas dhaawac ka soo gaadhay Wasiir xigeenka caafimaadka iyo nin kale oo wasiir ah.
 
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya Col. Bariise, ayaa sheegay in ninka qaraxa gaystay uu u dhashay dalka Kenya islamarkaana uu ku dhashay degmada Wajeer ee Kenya, lana yidhaahdo Mr. Asad. Wuxuu sheegay in qorshaha ninkaasi ahaa inuu isku qarxiyo gudaha xarunta CID-da balse ay isaga iyo saraakiil kale ku amreen inuu goobta ka tago ka dibna uu isku qarxiyay xarumaha wasaaradahaas.
Balse Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in magaca ninkaasi yahay Bashaar Cabdilaahi Nuur oo u dhashay deegaanka Muqdisho, kana dhashay qoys caan ah
 
Ardayda reer Somaliland
Ardayda reer Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somaliya, ayaa ka badbaaday qaraxaas  xoogan ee shalay ka dhacay magaaladaas kaas oo ay ku dhinteen dad tiradoodu gaadhayso 100 ruux.
 
Ardaydaas oo ka kooban 17 arday oo isugu jira 10 hablood iyo 7 wiil, ayaa waxa ka mid ahaayeen ardaydii reer Somaliland ee deeqda waxbarasho ka helay dalka Turkiga, kuwaas oo la sheegay inay Muqdisho u tageen si ay diyaaradda dalka Turkigu uga qaado, waxaanay kooxdani ka mid noqotay raaca labaad ee marka dambe ay diyaaradda raaci doona. Sayid Saleban Muxumed, oo ka mid ah ardaydaas ayaa isagoo Muqdisho jooga xalay Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay inay dhammaantood nabad qabaan, “Waxaanu halkan [Muqdisho] ku joognaa 17 arday oo reer Somaliland ah oo ay diyaaradii ka buuxsantay markaas dhammaantayo waanu ka badbaadnay qaraxa ka dhacay Muqdisho.” Sidaas ayuu yidhi Sayid oo khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay inay tiradoodu tahay 17 arday oo ay 10 hablo yihiin.
 
Markii uu soo baxay warka sheegayay inay qaraxaasi arday badani ku dhimatay, ayaa waxa magaalada Hargeysa laga dareemay war war xoog leh oo laga muujiyay xaaladda ardayda reer Somaliland oo aan markaas laga war hayn inay ku jireen qaraxaas iyo in kale.
 
Haseyeeshe ardaydan u waramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu xaqiijiyay inaanay ardayda reer Somaliland ku milmin ardayda Somaliya islamarkaana ay dhammaantood nabad qabaan.
 
Waxa xalay magaalada Muqdisho laga dareemayay cabsi xoogan oo ka dhalatay weerarkaas oo abuuray jawi ka duwan aragtida ay dawladda Sheekh Shariif ku doodo ee ah inay Al-Shabaab ka sifaysay Muqdisho, waxaanu weerarka shalay ka dhacay badhtamaha magaalada Muqdisho.
 
Si kastaba ha ahaate Muqdisho oo muddooyinkan dambe ka raysatay weerarada is qarxinta ah, ayaa wuxuu weerarkan shalay ku soo beegmay iyadoo ay kooxda Al-Shabaab hore u sheegtay inay ka baxday magaalada Muqdisho.