Madaxweynaha Oo Goob Joog Ka Noqday Dhaarinta Guddiga Diiwangelinta Ururada

0
789

 

New Picture Hargeysa(Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay goob joog ka noqday kulan uu guddoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Maxamed Ismaaciil ku dhaariyay guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda.
 
 
Kulankaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada, ayaa dhaarta ka db wuxuu la dardaarmay guddiga diiwaangelinta  “ILAAHAY waxaan ka barayayaa inshaalaahu tacaalaa inaad hawshaas si xil kasnimo ah uga soo baxdaan oo ILAAHAY-na waxaan ka baryaynaa inuu idiin  fududeeyo hawsha.” Ayuu yidhi.
 
Xubno ka tirsan Guddidan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay xilkooda u gudan doonaan si daacadnimo iyo wadaniyad leh oo  waafaqsan shuruucda dalka.
Magacyada Guddida diiwaan gelintu waxay kala yihiin sidan:-
1        Cabdalle Ibraahim Maxamed
2.      Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)
3.      Xasan Axmed Ducaale (Macalin): 
4.      Cumar Xasan Jaamac
5.       Maxamed Cabdi Maalik
6.      Aadan Geedi Qayadi
7.       Ismaaciil Cabdilaahi Cali