Wasiir Hore Caddaani Oo Ka Hadlay Hankiisa Siyaasadeed Ee Mustaqbalka

0
534

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), oo Xukuumaddii hore ee Axmed-siillaanyo ka soo qabtay xilal Wasiirnimo, ayaa ka hadlay Doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay beri dalka ka dhacaan, waxaanu si gaar ah farriin ugu diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland, isagoo si gaar ahna ugu mahadnaqay Madaxweynaha, Komishanka, Guurtida iyo Axsaabta Qaranka.

Siyaasi  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu sidoo kale sheegay in aanu ka fadhiisan siyaasadda, kana fadhiisan doonin ilaa iyo inta ay Somaliland aqoonsi caalamiya helayso, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Muddooyinkii ugu dambeeyey dalka waan ka maqnaa, waxaanan ku maqnaa dalka dibeddiisa, gaar ahaan dalka Mareykanka, labadii sanno ee ugu dambeeyey ee aan dalka ka maqnaana waxaa saamayn xoogan caalamkii ku yeeshay xanuunka Covid -19, aniguna wuu igu dhacay, iyadoo hore wadnaha la iiga qalay ayuu igu dhacay, balse ALLE mahaddii waan ka bogsaday, oo ducada dadkayga ay ii soo ducaynayeen ayaan ku bogsaday, ALLE caafimaad buu igu beddelay, Siyaasaddiina weli kamaan bixin ee waan ku jiraa, meel aan uga baxana ma taagni, ilaa dalkeenu uu helayo aqoonsiga aynu xaqa u leenahay Siyaasadda waan ku sii jirayaa, haddii insha allaah markaynu aqoonsiga helno markaas dambe waynu uga fadhiisan Siyaasadda, wax walba waxaa inoogu muhimsan danta dalkeena iyo dadkeena, markaas halganka aqoonsi raadinta waynu ku jirnaynaa, maantana dalkeenu meel fiican buu marayaa, marka loo eego dhinaca kastaba”.

Mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha, Guurtida, komishanka iyo Axsaabta Qaranka wuxuu yidhi “Muddo kadib Doorashooyinka ayeynu galaynaa, Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, wuxuu awoodda saaray inuu dalka ka qabto Doorashooyinka, iyadoo aanay cidi inaga caawin Doorashooyinkana, Madaxweynuhu wuxuu u badheedhay inay Xukuumaddu bixiso kharashka ku baxay Doorashooyinka, nasiib wanaag Komishanku wakhtiga ku habboon ee Doorashooyinka ayey cayimeen, Xisbiyada Qarankuna way ku raaceen, Golaha Guurtiduna wakhtigii hore loogu cayimay ayay ka noqdeen, oo waxay ku saleeyeen wakhtiga lagu heshiiyey, sidaas awgeed waxaynu nahay dad iyo Dal  la majeerto, oo mucaarad iyo muxaafidba danta qarankooda wax walba ka horumariya”

Mar uu ka hadlaayey rejada uu ka qabo Doorashooyinka wuxuu yidhi “Bisha May dadka reer Somaliland saddex dabaal-deg baa isku galay, waxaynu ka soo baxnay bishii Ramadaan, maadaama aynu dad muslima nahayna waxaynu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu bishaas khayrkeeda ina siiyo, sidaas darteed  waxaynu ciidnay ciiddii cidul fidriga, waxaa inoo soo gashay 18 may oo inooga duwan kuwii hore, maadaama aynu soddon jirsanay, oo soddon sanno ayeynu baarka ka jarnay, waxaynu ahayn dal jira oo madax banaan oo Adduunka oo dhan la shaqeeya,oo Adduunka oo dhan la xidhiidhinaya, yeynaa wali ictiraaf helin, haddana waxaa la inoola macaamilaa sidii Waddan madax-banaan, waxaana ILLAAHAY ka rejaynaynaa in sannadkan sannadkiisa aynu ku dabaal degno ictiraaf, ta u dambaysa ee aynu u dabaal-degno ayaa ah inaynu galayno Doorashooyinka isku sidkan, hawl yarna maaha in dal mar wada galno laba Doorasho, laakiin dadaalkeena iyo wada tashigeena ayey ku timid, nasiib-wanaag ololihii Doorashooyinkuna si fiican bay inoogu dhammaadeen, ee Doorashooyinkuna inay inoogu dhacaan si guul iyo gobonimo ah oo lagu wada qanacsan yahay ayaan ku rajo weyn nahay..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office