Doorashada Isku-sidkan Oo Berri Loo Dareerayo, Tirada Goob-googeyaasha Caalamiga Ah Ee Dalka Soo Gaadhay Iyo Dalalka Ay Ka Socdaan

0
541

Hargeysa (Geeska) – Wufuud Caalamiya oo goob-googayaal ka noqonaya Doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee dalka ka dhacaysa 31-ka bishan May, ayaa Shalay soo gaadhay Hargeysa.

Wufuuddan oo kala socda Dalalka Yurub iyo Afrika isla-markaana uu mid yahay Madaxweyne hore, ayaa waxay shalay kulan soo dhaweyn la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

War-saxaafadeed Madaxtooyadu ka soo saartay kulanka dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Wufuudda Caalamiga ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabilay goobjoogayaal ka socda dhawr iyo Toban waddan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud hay’adda Brenthurst Foundation, Dr Greg Mills, kuna wehelinayaan madaxweynihii hore ee Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma iyo hoggaamiyihii hore ee mucaaradka, ahaana murashaxii madaxweynenimo ee mucaaradka dalka Ugandha, Dr. Kizza Besigye oo Somaliland u yimi kormeerka iyo qiimaynta doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomaya Jamhuuriyadda Somaliland 31-May-2021 oo hal maalin ka hadhsan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay goobjoogayaasha inay indhahooda ku soo arkaan horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, adduunka intiisa kalena ay gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen in Toddobada doorasho looga dareero Jamhuuriyadda Somaliland.

Dalalka ay ka kala socdaan goobjoogayaashu waxay kala yihiin, UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique”

Dhanka kale, Kulanka Madaxweynuhu la yeeshay Wufuudda ka kala socotay dalalka kor ku xusan ka dib, waxa iyaguna Shalay Hargeysa soo gaadhay isla-markaana Garoonka diyaaradaha ee Cigaal lagu soo dhaweeyay Wefti isugu jira Safiirro, Diblumaasiyiin iyo Suxufiyiin ka socda dalalka Yurub, kuwaasi oo uu hoggaaminayey Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Waftiga oo uu hoggaaminayey wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolos Baralanga, ayaa waxa gegada diyaaradaha ee Cigaal ku qaabilay Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland ahna ku simaha wasiirka Libaan Yusuf Cismaan.

Marka la isku daro Goob-googeyaashan Caalamiga ah, tiradoodu waxay ka badan tahay 100 Xubnood, waxayna si Madax-bannaan u kormeeri doonaan Doorashada Somaliland ee halka Maalin ka hadhsan tahay, iyagoo tagaya Goob kasta oo ay iyagu doonayaan inay tagaan, sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Liibaan Yuusuf Cismaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office