Wasiir hore, Caddaani Oo Ka Hadlay Doorashadii Dalka Ka Dhacday, Farriina U Diray Madaxweynaha & Musharraxiintii Dhacay

0
424

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cismaan  Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), oo Xukuumaddii hore ka soo qabtay xilal wasiirnimo gaar ahaan Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Warfaafinta, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Doorashooyinkii isku sidkanaa ee dhawaan dalka ka dhacay, waxaanu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha Somaliland, oo wuu sheegay inuu kaga dhabeeyey balanqaadkiisii, isla-markaana uu ku dhiiraday inuu Doorashooyinka qabto.

Siyaasi Cismaan  Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sidoo kale hambalyo u diray Tafatirihii Wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), oo ka mid noqday Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, waxaa kale oo wuu hambalyo u diray Xildhibaanada kale ee soo baxay, ee isagu jira Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada, gaar ahaan Barkhad Batuun iyo Cabdikariin Axmed Mooge, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dad ahaan weynu is muujinay, dal ahaana waynu is muujinay, mar haddii aynu Doorashooyinkii qabsanay, waxaana mahad oo dhami u sugan tahay ALLE, balse waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, mar haddii wuu qabtay oo muddo dheer aan la qaban, Madaxweynuhuna Doorashooyinkii dib inooga dhici jiray si sharaf, milgo, maamus iyo gobonimo leh ayuu ka yeelay, si xasilooni ku jirtana way inoogu dhaceen, markaas Madaxweynaha waxaan leeyahay Madaxweyne aad iyo aad baan uga mahadnaqayaa sida aad ugu badheedhay inaad dalka ka qabato labada Doorasho oo culayskooda leh, isla-markaana aad khasnadda Dawladda ka bixiso kharashkii ku baxay Doorashooyinka, waxaan kale oo aan Madaxweynaha uga mahadnaqayaa sida qiimaha leh ee daacadnimo ku jirto ee wuu wada tashiga u sameeynayey, waxaan kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa Shacabka reer Somaliland ee iyaguna sida wacan isku abaabulay, Doorashadana u galay si nabadoon, waxaan kale oo aan u mahadnaqayaa Ciidamadeena kala duwan ee iyaguna kaalinta weyn ka qaatay sugida nabadgalyada, iyo inay Doorashooyinku inoogu qabsoomaan si nabadi ku jirto, waxaan kale oo aan u mahadnaqayaa Komishanka Doorashooyinka oo iyaguna waajibkii loo igmaday ka soo baxay, waxaan kale oo aan u mahadnaqayaa oo aan bogaadinayaa Xisbiyada oo ku wada qancay natiijooyinkii ka soo baday Doorashooyinka”.

Mar uu ka hadlaayey guusha Tafatirihii Wargeyska Geeska Afrika wuxuu yidhi “Maxamed Xuseen Jaamac Raambo, oo ahaa Musharrax ka sharaxan Xisbiga Kulmiye, astaantiisuna ahayd Maroodi, oo ah astaanta Gobolka uu ka sharaxnaa ee Maroodijeex, waxaan leeyahay hambalyo, waxaana ku hambalyeynayaa oo aan ku bogaadinayaa guushan oo gaadhay ee uu kaga mid noqday 82 mudane ee u soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland, runtii Maxamed Xuseen Jaamac Rambo, oo nin dhalinyaro oo waayo-arag ah, xog-ogaalna u ah xaaladda uu dalku marayo, maadaama uu yahay   saxafi,  Wargeyska Geeska Afrikana Tafatire ka ahaa, markaas  Maxamed Rambo, waxaan leeyahay sida wararka la hubo ee xaqiiqada ah iyo barnaamijyada faa’iidada leh aad bulshada ugu soo gudbin jirtay ayaanu haddana ka filaynaa inaad wax u qabato, waxaana kugu ducaynayaa inuu ALLE kugu asturo masuuliyada iyo xilka aad qaatay ee Xildhibaanimo”.

Mar uu ka hadlayey Musharixiintii kala duwanaa ee tartanka galay wuxuu yidhi “Waxaan kale oo aan aad ugu hambalyeynayaa Barkhad Batuun iyo Cabdikariin Axmed Mooge, oo iyagu taariikh dhigay, codad aad u badana helay, waxaana leeyahay hambalyo, waxaan kale oo u hamblayeynayaa dhammaan Musharixiintii kala duwaana ee guulaystay, waxaana ugu hambalyeynayaa guusha ay gaadheen, waana ugu ducaynayaa, waxaan kale oo aan farriin u dirayaa Musharixiintii la tartamayey, waxaana leeyahay waad dadaasheen, waanad tartanteen, balse qadar ALLE , qoraal iyo calaf baa jira, ciddii ALLE u calfay ayaa heshay, mar haddii ay Doorashooyin qurux badani inoo dhaceen waynu wada guulaysanay, waxaana idinka mahadnaqayaa sida aad u hanayseen, uguna hanayseen walaalihiinii idinla tartamayey”.

Mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka wuxuu yidhi “Caalamka waxaan leeyahay waad aragtaan oo markhaati ayaad ka tihiin sida dimuqradiyaddu ku jirto ee aanu Doorashooyinkayaga u qabsanayno, waanad og tihiin in aanu nahay dal jira oo madax banaan, oo hay’addihiisii dawliga ahaa u dhan yihiin, ee waxaa haboon inaad nagu qiimaysaan waxaanu qabsanay, oo aad na siisaan aqoonsiga aanu xaqa u leenahay, maxaa yeelay waxaanu nahay dal jiray, haddana jira, jiri doonana, cid aanu qaranimadayada u daba fadhiisanayna ma jirto”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office