Falanqeeye Sheegay In Guul-darrada Soo Gaadhay Xisbul-xaakimku Muujinayso Bisayl Siyaasadeed Oo Ka Jira Somaliland

0
481

 

Kenya (Geeska) – Suxufi wax ku qora Internet-ka, ahna Falanqeeye ka hadla arrimaha Afrika, ayaa ka hadlay doorashadii Somaliland ka dhacday 31-kii bishii May ee sannadkan 2021-ka.

Lord Abraham Mutai oo u dhashay dalka Kenya isla-markaana caan ku ah ka hadalka arrimaha xaasaasiga ah, ayaa sheegay in doorashadii Goleyaasha baarlamaanka iyo deegaannada ee Somaliland ka dhacday lagaga adkaaday Xisbiga haya Talada Somaliland ee Kulmiye isla–markaana uu qirtay guul-darradaa soo waajahday.

Lord Abraham oo qoraal ku baahiyey Twitter-ka, ayaa tilmaamay in Somaliland tahay Qaran isku qanacsan oo hawlihiisa Dawladnimo wata, isagoo Tusaale u soo qaadanaya qirashada Guul-darrada ee Xisbiga haya Talada Somaliland, sidaasi darteed la gaadhay xilligii Afrika aqoonsan lahayd Somaliland.

Lord Abraham, ayaa qoraalkiisa oo koobnaa ku yidhi “Xisbiga haya talada Somaliland ayaa lagaga adkaaday doorashadii Baarlamanka ee maalmo ka hor dhacday, Mucaaradka ayaa helay aqlabiyadda codbixinta doorashada”.

Abraham oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Xisbiga haya Talada Somaliland uu qirtay in lagaga adkaaday doorashadii Baarlamaanka, taasina muujinayso bisaylka Dawladnimada Somaliland ” Xisbiga talada haya wuxuu qirtay guul-darrada” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Shaki la’aan Somaliland way ismuujisay…” ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey “Waxaa la joogaa wakhtigii Afrika ay aqoonsan lahayd Qarankan…”

Geeska.net/Hargeisa Office