Dawladda Taiwan Oo Ka Hadashay Doorashadii Somaliland Ka Dhacday Bishii Hore Ee May

0
406

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Taiwan, ayaa ka hadashay Doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee Somaliland ka dhacday 31-ka bishii May ee sannadkan 2021.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan Jaushieh Joseph Wu oo qoraal ku baahiyey Twitter-ka, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku Hambalyeeyay qabashada doorashada Baarlamaanka iyo Deegaannada, taasi oo uu Wasiirku sheegay inuu Madaxweynuhu qabashadeeda hore u ballan-qaaday.

“Waa mudnaan weyn in Balanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa qabashada doorashooyinka (la fuliyey) ayaa ah talaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta dimuqraadiyadda.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibedda ee Taiwan, waxaanu intaa ku daray “Somaliland waa Tusaale mudan in lagu daydo..”

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Taiwan wuxuu ballan-qaaday in Dawladdiisa Taiwan si dhow ula shaqayn doonto Somaliland “Taiwan waxay si dhaw ula shaqeyn doonaa dawladda Somaliland”

Taiwan ayaa doorashada Somaliland kaga qayb-qaadatay Lacag gaadhaysa 2 Million oo dollar.

 

Geeska.net/Hargeisa Office