Wasiir Geeljire Oo Cago-Jiid Ku Dhaliilay Maxkamadaha Gobalka Sanaag

0
641

 

Picture3Hargeysa( Geeska )-Wasiirka kalluumaysiga Md.Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jirre), ayaa maxkamdaha gobalka Sanaag ku dhaliilay inay ka gaabiyeen inay xukumaan koox  kaluumaysi sharci daro ah lagu soo qabtay iyaga oo ka wada badda Somaliland, waxaanu wasiirku sheegay inay kooxdan magaalada Maydh muddo 11 maalmood ah ay ku sugayeen cid xukunta.

Sida oo kale wasiirku waxa uu ugu baaqay inay maxkamaduhu ku xukumaan kaluumaysatada sharci darada ah xeerka caalamiga ah ee kaluumaysatada sharcidarada ah. Waxaanu wasiir Geeljire sidan uu ku sheegay shir jar’aa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Xaqiiqada jirtaa waxa ay tahay doonyo la soo xidhay oo dad ilaa 42 qof ah ay saaran yahiin oo sharci daro ku kaluumaysanayay lana soo qabtay, ayaa mudo 11 cisho ah sugaayay  Maydh inay maxkamadi ugu timaado, sida aan hore u sheegayna cabashadu waxay anaga nooga imanaysaa ciidamada bada oo leh maxkamadii ayaa noo iman waayay oo aanu maalin kasta baryaynaa, xaqiiqadaan arintaas ka waramaysa koob iyo tobanka casho dadka halkaa joogay ee maxkamda sugaayay.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa wax auu  yidhi “ Xeer kaluumaysi ayaa jira oo  qeexaya waxa lagu xukumaayo doonyaha waxaan na soo gaadhaya warar sheegaya in xeerku aanu  ahayn kii kaluumaysiga waa xeerarkan kale ee qaranka uun markaas iyaga iyo xeer ilaalintaan isku daynaynaa, laakiin xeerkani waa shan iyo toban qodab oo kaliya doonida ay ku qoran yahiin nooca doonta intay leegtay iyo sida loo ganaaxayo, markaas waxaan leeyahay kaas halagu xukumo si kuwa kale ay ugu cibra qaataan.”