Wasiir Faratoon Oo U Jawaabay Madaxweyne Farmaajo

0
1355

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay inuu ka digtoonadu kana fiirsado hadalada ka dhanka ah Somaliland, ee ka soo yeedhaya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya ayaa yidhi “Farmaajo khalad bay ku ahayd inuu dawladnimada Somaliland  maamul ku sheego, Somaliland waa qaran leh, Madaxweyne la doortay, oo waliba Shacabka reer Somaliland si xor iyo xalaal ah u doorteen, waxaana dalkan ka Madaxweyne ah Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, halka Farmaajo cid gaar ahi doortay, ee hore waxaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, ee Farmaajo intii Somaliland ku soo meeraysanayo waa inuu wax ka qabtaa halka uu maamulo, Somaliland dhabihii horumarka, guusha iyo ictiraafka ayey haysaa, ee midnimo dambe oo Somaliya la midawdo sinaba suurtagal ku noqon mayso, ee Farmaajo waa inuu ka fiirsada hadalada ka soo yeedhaya”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here