Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Dacwad Ka Dhan Sheekh Cabdiraxmaan-Dheere U Gudbiyay Maxkamada Iyo Jawaabta Sheekha

0
892

Hargeysa(Geeska)-Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa sheegay inuu xeer ilaalinta u gudbiyay Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo uu ku eedeeyay inuu masaajid khudbadeeyay  in talaabo laga qaado taasina ay halis ku tahay amaankiisa.

Sida oo kale Sheekh Cabdiraxmaan Dheer ayaa dhankiisa sheegay in aanu isagu magacaabin qofna Waxaanay sidan u sheegeen Telefishanka Eryal, Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac Dafac oo ugu horayntii aritanta ka hadlaayay waxa uu yidhi“ Waxa maalintii jimcaha ahayd ee shalay masaajid ku yaala magaalada Hargeysa nin sheegtay Sheekh, ninkaas oo sameeyay arin ka soo horjeeda diinta islaamka iyo qofnimadayda oo dadka ku dhiiri galiyay inay talaabo iga qaadaan oo u eekayd inuu leeyahay dadka soo dila Guuleed arinkaas oo naftayada iyo nolashaydaba halis ku ah iyada oo la ogyahay waxa gobalka Geeska Afrika ka dhacaaya, masaajidkii barakaysnaa ee Alle lahaa ee ay ahayd in dadka lagu wacdiyo oo wanaaga laysugu soo jeediyo arin siyaasadeed kaga hadlay, waxaan ogaaday in ninkii aanu ahayn nin boqolkiiba boqol sheekh ah ee uu yahay nin siyaasi ah oo ah dadkan qandaraasyada dawlada qaata, oo qandaraaskii kutubta dawlada qaatay iyada oo aan qandaraas la shaaciyay ahayn markaas ka cadhaysan arimaha aan ka hadlo ee xuquuqul iinsaanka ee dadka masaakiinta ah aan u doodo, waxaanan qabaa waxaan ka shaqeeyaa inay tahay waxii Alle dadka faray.”

Garyaqaanku waa uu sii watay hadalkiisa“ Qofkuna intuu diinta ku soo gabado dawlada oo uu ka tirsan yahay uu taageerayo uu masaajidada Alle ka difaaco waxaan u arkaa khalad weyn igu tahay oo ay gafna ay tahay, sidaas daraadeed waxaan go’aansaday maxkamada gobalka Hargeysa iyo xafiiska xeer ilaalinta iyo wasaarada diinta iyo awqaaftaba inaan u gudbiyo cabasho iyo dacwad ka dhan ah ninkaas, si talaabo sharciga waafaqsan looga qaado, waxanan u haystaa dawladu hadaanay iska bari yeelin ninkan aqoon iskuma lihin waxna nagama dhaxeeyaan inay tahay arin ay dawladu ku lug leedahay, barigii hore dadka xuquuqul iinsaanka u dooda waa la xidhi jiray laakiin in qofka loo soo adeegsado arimo diini ah oo qofka la yidhaahdo diintii ayuu dagaal kula jiraa maadaama oo uu dawlada wax ka sheegay, waxyaabaha uu tusaalaha u soo qaatay waxa ka mid ahaa caruurtii darbi jiifka ahayd ee Somaliland oo dhan ay ka naxday ee loo gurmaday ee maxkamadii rafcaanka laftigeedu ay sheegtay in aanay danbi lahayn iyagii ayuu waliba been ka sheegay oo uu yidhi wasaarada ayay shiideen, iyada oo wasaaradii iyo boolisku toona aanay odhan waanala shiiday arinkaasuna waa arin halisteeda leh cida ku faraxsan ee soo diratayna waa inay fahantaa wadooyin kan oo kale haday furmaan cid kasta way saamaysaa, Xamarba 2005 iyo 2006 waxaas ayay ka bilaabmatay dadka xuquuqul iinsaanka u dooday iyo shacabkaa lagu bilaabay in talaabooyin laga qaado markii danbana meel walba way gaadhay arinkan hadii la sakhiranaayo waxaan u arkaa inay dhibaato weyn leedahay. Madaxtooyadu waa inay iska fogaysaa ama anigu madaxtooyada ayaan u haystaa qoyskaygana sidaas ayaan u sheegay oo haddii ay wax isoo gaadhaan waxa masuul ka ah ninkaas iyo madaxtooyada Somaliland”

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere ayaa dhankiisa siguna dhacdadan hadlay “Khudbadii jimcaha aan ka hadlay way duuban tahay cadaalada ayaan ka waramaayay cadaalada in aanay dadku isku si u arag ama tafsiir sax ah ka haysan oo dadka qaarkood siinaan moodayana ayaan ka hadlay, cadaaladu waxay tahay sharciyan ayaan ka hadlay, cadaaladii rasuulka ayaan ka hadlay SCW madax iyo mijo iyo shacaba in cadaaladii rasuulka dib loo eego oo la fahamo ayaan ugu baqay. Waxaan ka hadlay dadka xuquuqul iinsaanka u dooda qaar badan oo ka mid ah inay garab marsan yihiin shareecada hadii ay tahay Qisaasta oo kale iyo waxyaabahaas ayaan carabka ku dhuftay shaqsi cayiman anigu ma sheegin, si dhaw iyo si dheer sinaba uma sheegin ninkaas aad sheegaysana ma aqaano magaciisuna waa ii imika halkaas haduu igaga soo horbaxana garan maayo isagana ulama jeedo khudbadaydu waa si guud qof kasta oo xaqa alle ka horyimaada ayaan ka hadlaayay cid gaar ah oo aan ka hadlay ma jirto, isaga ayaa sheegi doona halkaan magaciisa ku sheegay khudbadaydiina way duubantahay dibna waa loo dhagaysan karaa .” Sheekh oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waa arin diciif ah waxaana u arkaa qofka waxaas ku wareegaa inuu yahay qof iska liita oo isagu diciif ah uu yahay,madaxweynuhu shaqsi weeye in isku reer la noqdaana danbi maaha umadda allena waa qabiilo,alle aya aqabaa’il inaga dhigay oo qofku meel uun buu ka soo jeedaa in aanu madaxweynaha meel ka soo wada jeednana inaan dulmi difaaco maaha, anigu sharci iyo diin ayaan ka hadlaa oo masaajid ayaan ka khudbadeeyaa, siyaasadana kuma jiro siyaasina ma ihi xilna ma hayo, waxay noqotay kutubta waa wax madaxweynuhu waqaf ka dhigtay oo Alle uu ajar kaga doonayo qandaraasna lama yidhaahdo kaas oo kale, waxaan ka baqayaa in maalin dhaw masaajidadana la yidhaahdo cidbaa la siiyay kaas qofku uu Alle dartii u dhisaayo waa arimaha aynu u baahanay in la saxo, kutubtana maktabad ayaa soo daabacday oo waa ay ku xusantahay oo Baabu-salaam ayaa la yidhaahdaa magaceeduna waa uu ku cad yahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here