Wasiir Cabdillaahi-Dheere Oo Ka Hadlay Baabuur Ay Wasaarada Waxbarashadu Leedahay Oo Lagu Eedeeyay Inuu La Baxsanayay

37
3619

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii Waxbarashada ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere),  ayaa ka hadlay baabuur ay qaar ka mid ah warbaahintu baahiyeen oo ah in Gaadhi ay Wasaaradda Waxbarashadu lahayd oo uu islahaa la baxso in la soo qabtay, waxaanu xusay in Gaadhigaas uu u dhiibay Macalin, ay caruuri ka xanuunsanaysay si uu ugu soo qaado.

Wasiirkii Waxbarashada ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey wararkan laga baahiyey ayaa ugu horeyn ku jawaabay “Boon waa Somaliland, meel xadka Somaliland ka baxsana kuma taalo, Qol-ujeed ayey ka hoosaysaa, nin Macalin ah oo miskiin ah oo carruuri ka xanuunsanayso, ayaan Gaadhiga u sii dhiibay, anigaana sii siiyey, Gaadhiguna waa kii Xasan Gadh-weyne ka hadhay,Taarikadana anaga ayaa leh Taariiko Somaliland ah oo xabad ayaanu leenahay, anigaana ku xidhay Taariikada anigaana siiyey, oo Taariikadana waxa lagu xidhaa marka imtaxaanada la qaadayo iyo marka ay hawlo kale jiraan, waanu diiwaangashan yahay, marka shayga buuga diiwaanka laga waayo ayaa la yidhaahda waa la xaday oo waa la lunsaday”.

Mar uu ka hadlaayey Gaadhigan iyo xil wareejintiisa ayaa yidhi  “Ma  haboona in wax walba wax laga soo saaro, Gaadhigana diiwaanka Wasaaradda ayuu ku jiraa, xil wareejin baan ku dhiibayaa, Gaadhigana wuxuu ka hadhay Xasan Gadhweyne, oo Samsam baa uga dambaysay, oo Geedoole ayaa uga dambeeyey, oo aniga ayaa uga dambeeyey, aniguna waan wareejinayaa, oo Wasiirka xilka igala wareegaya ayaan ku wareejinayaa, ee intaan Gaadhigan la baxsanayo, maan la baxsado Gaawaadhida kale ee ka qaalisan ee yaala, anigana waxaas oo kale igama suurtoobaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here