Xildhibaano Wakiilada Ah Oo Ka Hadlay Sharciyada Dhaarta Wasiirada Aanay Weli Ansixin

45
3163

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa ugu baaqay inay sharciga ilaaliyaan, kana digtoonadan wax kasta oo sharciga iyo dastuurka ka hor imanaya, waxayna uga digeen faragelinta Golayaasha sharci dejinta.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dhaarta Wasiiradda iyo tirada Wasaaraddaha, waxaana ugu horeyn Xildhibaan Siciid Gaane uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Mar mar ayuu Axmed Siillaanyo dastuurka iyo sharciga xasuusan jiray,ee haddii uu Muuse dhaariyey goor  horeba, isagoo aan Golayaashiiba soo marin waa cajiib, mar haddii Wasiiradda oo aan Golaha la soo marin uu dhaar ugu jeexay, sida uu doono ha ku dhaariye, wax kastaaba inay dhacaan waa la filan karaa, in sharciga la jabiyo, oo dastuurka la jabiyo, waa qayrul sharci, ta kale Xukuumadda iyadoo toban cisho jirtay taagaw dabcasar oo dalka sharci ku soo galay xidhaysa maxaad u maleeynaysaa”.

Mar uu ka hadlaayey sida uu arko Wasaaraddaha ayaa yidhi “Waxaa jira sharci dawladdeed, sharciga dawladduna wax buu qorayaa,  Xukuumad tiro yar waa loo baahnaa, laakiin halkii la iskaga darayey Kalluunka iyo Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Xoolaha inuu isku daro ayey ahayd, Beeraha iyo Kalluunkana isku daro ayey ahayd, Wasaaraddii Qorsheyntuna wey jirtaa,Wasaaraddii Hawlaha guud oo jirta ayaa haddana la magacaabay Wasaaradda Gaadiidka.”

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Sharciga ayaa yidhi “Xukuumaddan waa Xukuumaddii hore ee Kulmiye, Madaxda sare oo qudha ayaa is bedeshay, laakiin nidaamkii hore ayuun bay ku shaqeeynaysaa, sidaas oo ay tahay waxaan uga digaynaa in hawlaha Sharci dejinta soo farashato, sidii Xukuumaddihii ka horeeyey”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isna ka hadlay sida Wasiiradda la dhaariyey ayaa yidhi “Waxaan u maleeynayaa inay dhaartani tahay dhaar daakhiliya,oo ku saabsan Madaxtooyada,  oo aan ahayn dhaartii caadiga ahayd, waxa se wacnayd in iyadoo aan la ansixin Wasiiradda, aan la sii dhaarin, maxa yeelay haddii aanu Gole ahaan diidno Wasiiradda qaar, dhaartaas la dhaariyey ma sii soconayso, oo Wasiiro ma sii ahaanayaan”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey Wasaaaddaha ayaa yidhi “Dalku wuu u baahnaa in Wasaaradihii tirada badnaa in la yareeyo, laakiin Wasaaraddo badan oo u baahnaa in la is raaciyo la isma raacin, Wasaaraddo badan oo loo baahnaa in la kala qaadana lama kala qaadin”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey Sharciga ayaa yidhi “Waxaan ka digayaa oo Xukuumaddan uga digayaa in sharciga ay ku xad gudubto, oo ay jabiso xeerarka iyo shuruucda dalka u taalo, isla markaana soo faragashato Golayaasha Sharci-dejinta, wixii wada shaqeeyn ah ee naga dhexeeya waa inay dariiqeeda u soo marta”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here