35% Ka Mid Ah Wasiirada Madaxweyne Muuse Oo Haysta Dhalashada Dalalka Reer Galbeedka

32
2882

Hargeysa(Geeska)-Boqolkiiba shan iyo soddon (35%), wasiirraada 23 ah ee xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ah ama ahaan jiray qurbe-joog haysta dhalashada dalalka reer galbeedka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu magacaabay 23 wasiir iyo 9 wasiir-xigeen. 23-ka wasiir 8 ka mid ah ayaa haysta dhalashada dalalka reer galbeedka, taas oo tirada boqolleyda ah ee wasiirrada qurbaha ka yimid ka dhigaysa in ay boqolkiiba 35 ka yihiin tirada wasiirrada buuxa.

Waxaa iyaduna xusid mudan in wasiir-xigeenada oo  sagaal xubnood oo keliya ah uu mid ka mid ahi haysto dhalashada reer galbeedka.taas oo aan iyada lafteeda daymo la’ayn marka la eego tirada wasiir ku xigeennda oo marka horeba yar, haddii boqolley la geliyana uu ka noqonayo boqolkiiba 11.

Inkastoo xukuumadda Madaxweyne Biixi ay ku yaryihiin qurbe-joogta xilalka wasiirnimo qabatay marka loo eego xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, haddana waxa muuqata inay weli figta sare kaga jiraan qurbe-joogtu xukuumaddan cusub.

Muddadii uu madaxweynihii hore mudane Siilaanyo xilka hayey, waxaa aad u soo noqnoqday hadal haynta saamaynta muuqatay ee ay qurbe jooggu ku lahaayeen siyaasadda iyo talada dalka, waxaana marar badan lagu celceliyey doodo sheegaya in baasaboorka shisheeye ee masuuliyiinta dawladdu uu ka mid ahaa sababaha keenay in uu hoos u dhaawac ku yimaaddo xurmadii baasaboorka qaranka ee ay ahayd in ay socdaalladooda u isticmaalaan, waxaa iyaduna jiray doodo qurbe joogtaas tirada badnaa ee madaxweyne Siilaanyo ku xidhiidhinayey sababaha dawladdiisu u noqotay mid musuqmaasuq jilbaha dhigay.

Madaxweyne Biixi oo isagu ka mid ah siyaasiyiintaa tirada yar Somaliland ee aan haysan baasaboor Yurub ama Maraykan ah, xilligii ol’olahana aad ugu celceliyey in uu yahay muwaadin dalkiisa aan dhinacna uga bixin tan iyo dhismihiisii u horreeyey, ayaa ay dad badani saadaalinayeen in xukuumaddiisu ay noqon doonto mid ay u badan yihiin dadka dalka duruufihiisa u soo joogay weligoodba, waxa se hadda muuqata in Mudane Biixi aanu wax badan ka baydhin jidkii madaxweynihii xilka uga horreeyey oo isaga guud ahaan dadka maamulkiisa ku jiray u badnaayeen qurbe joog.

Waxa uu Geeska Afrika halkan idiinku soo gudbinayaa masuuliyiinta uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi magacaabay ee wasiirada ah ee qurbe-joogta ah ama ahaan jiray iyo masuul waliba dhalashada uu haysto, waxaanay kala yihiin:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here