Wasiir Axmed Cabdi Xabsade Oo Si Adag U Naqdiyay Saxaafadda Madaxbanaan

0
611

 

xaabsadeHargeysa(Geeska)-Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa sheegay inay dhawaan dalka keeni doonaan idaacad qaranku leeyahay oo dalka wada gaadha.

Wasiir Xaabsade, oo isagoo booqasho gaar ah ku jooga magaalada Borama shalay saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay inay dhawaan dirayaan laba khabiir oo soo eega idaacadaas ka hor inta aanay lacagta bixin.

Axmed Cabdi Xaabsade, oo la weydiiyay sababta ay xukuumadu  uga hadli weyday masuuliyiinta reer Somaliland ee uu maamulka Garowe qafaalashada ku haysto, wuxuu yidhi “Dawladu way ka hadashay waanay ka hadlaysaa, horena way uga hadashay.” Waxa uu Wasiirka warfaafintu caddeeyay in ka soo tallo bixinta arrintaas loo magacaabay guddi ka kooban toddoba wasiir oo aanu magacyadooda sheegin.

Wasiirku wuxuu naqdiyay saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland isagoo ka jawaab celinayay su’aal la weydiiyay oo ahayd talaabooyinka ay xukuumaddu ku cabudhinayso saxaafadda xorta ah, wuxuu yidhi, “Annagu saxaafadda waanu madaxbanaanaynay, laakiin waad ogtihiin oo saxaafadu waxay ku hadashaa wax dhaafsiisan xadkeeda inta badan, dhaliilahana waxaan qabaa inta badan iyagaa leh mar mar way dhacaysaa in la isku dhaco marka afku xumaado.”